Wasiiradii Xukuumadda iska Casilay oo Shir Gaar ah ku Yeeshay Hargaysa,Cadeeyayna in aanay Ka Tanaasulayn Damacooda Murashaxnimo DAAWO
Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xubnihii Wasiirada ahaa ee Maalintii Shalay ku Dhawaaqay inay iska Casileen Xilkii ay ka hayeen Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Maanta isugu Yimid Shir ay diirada ku saarayaan Masiirkooda Siyaasadeed.
Kulankan oo ahaa Mid albaabadu u Xidhnaayeen oo Saxaafadu dibada ka Joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday Waxay ka hadleen Waxyaabihii Kulankoodu daaranaa.