Wasiiradii u horeysay ee Madow ee Italy yeelato oo Dil loogu Hanjebay
Rome July 20,2013(SDN)-Wasiirkii u horeeyay ee madow ah ee ay dalka Italy yeelato Cecile Kyenge ayaa shir jaraaid oo ay qabatay uga warantay xaalada midab takoor ee dalkaasi ka jira.
Wasiirada ayaa sheegtay in aaney arintani wax baqdin ah ku abuuri doonin balse ay ugu baaqeyso reer Italy in ay dunida u muujiyaan in aaney aheyn cunsuriyiin.
Cecile Kyenge oo ah wasiirka Isdhexgalka ee Italy ayaa ah Dhakhtarad ku dhalatay dalka Congo oo dalkaasi ku nooleyd ilaa sanadii 1983gii.
Wasiirada ayaa intii ka danbeysay magacaabideedii Bishii April lala beegsaday aflaagaado loogu yeerayay “Daayeeradii Congo”.
Wasiirada ayaa la arkayay intii lagu gudo jiray shirkeeda jaraaid ciidamo dheeri ah oo sugaya amnigeeda .
Mar la weydiiyay sababtana waxa ay sheegtay in dhamaan wasiirada amnigooda la sugo balse bacdamaa iyada si gaar ah loo bartilmaansaday awood dheeri ah la saaray amnigeeda.
Cecile Kyenge ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgasho Fantetesiyo loogu dabaaldegayo dhaqamada kala duwan oo ka dhacaya degaanka Veneto ayaa durbaba waxa ka soo yeeraya cagajugleyn.
Degaanka Veneto oo ah degaanada laga taageero urarada xgjirka ah ee Talyaaniga ayaa waxa diidmo lagala hor yimi wasiirada iyo xaflada.
Durtaba waxa Internedada lagu arkay baaqyo lagu dalbanayo in la dilo wasiirada.
Talyaaniga oon aheyn sida dalalka kale ee reer Yurub ee Britain,Germany iyo France oo isdhexgalku mudo hore ka bilowday ayaa haatan la tacaalaya marxaladan cusub.
Talyaaniga ayaa qaxootigii u horeeyay dalkaasi tegeen 1980maadkii,waxaana dalkaasi ilaa iyo haatan uu ku jiraa marxalad dafiraad ah oo ku wejahan sida bulshadu isu bedeshay.
Waxaad mudooyinkii hore arkeysay Talyaaniga oo xagjiriintoodu ay aflaagaado la beegsaneyso ciyaartooyda madawga ah.
Iminkana waxa aad arkeysaa tiyoo dhankii siyaasada u weecatay midab takoorku oo aaney Talyaanigu diyaar u aheyn in uu ku soo biiro qarnigan.
SDN-Rome
contact@somalidiasporanews.com