|

Wasiiradda Hawlaha Guud Iyo Duulista Hawada ee Somaliland oo Fiintu Dhex Miranaysay oo Isku arkay Madaarka Cigaal & Sida Loo Xaliyey Khilaafkii u Dhexeeyay DAAWO

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed ‘’Cali Mareexaan’’ Iyo Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Farxaan Aadan haybe oo Mudooyinkii u danbeeyay uu dhexdooda ka aloosnaa Khilaaf ka dhashay Diyaarada Fly Dubai Isla Markaana si Qaawan Warbaahinta isaga weeraray ayaa Shalay ku Kulmay Madaarka Cigaal kadib Markii Wasiirka hawlaha Guud uu ka soo laabtay Socdaal uu ugu Maqnaa dalka Turkiga.

Wasiirka Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed ‘’Cali Mareexaan’’ ayaa ka Warbixiyey Safarka uu ku tegay dalka Turkiga iyo Kulamo uu la yeeshay Wasiirka arrimaha Dibada ee Turkiga iyo Shirkado maalgashi oo dalkaas laga leeyahay.

Sidoo Kale Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Farxaan Aadan haybe ayaa sheegay inay dhameeyeen Khilaafkii soo Kala dhex galay Labadooda Isagoo xusay inay Wasiir Cali Mareexaan ka Xaal mariyeen hadal qadaf ah oo uu Warbaahinta mariyey Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport.

Comments are closed