|

Wasiiradda Gaashaandhigga Iyo Kallumaysiga oo Khilaaf soo Kala dhexgalay,Odayaal ay Isu adeegsadeen Iyo Mas’uuliyadoodii oo Meesha ka baxday

b vs cHargaysa 14.Oct 2015 (SDN/QJ)- Khilaafkii u dhexeeyey Wasiir Gaashaandhigga Axmed Xaji Cali Cadami iyo Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed, ayaa mar kale soo laba kacleeyey ka dib markii ay hore isgu khilaafeen arimaha deegaanka Bariga sanaag.

Khilaafkan oo ah mid guun ah oo in muddo ah hadda jiray, isla maraakana sababay in ay hakad galaan u adeegidda shacabka ay masuulka kayihiin labadan wasiir, ayaa hadda maraya in uu midba midka kale u adeegsado Odyaal iyo madaxdhaqameed ka soo jeeda deegaankooda oo kala difaacaya.

Dhowaan ayey ahayd markii ay odayaal iyo Salaadiin ka soo jeeda Bariga Sanaag shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa  ku sheegeen in aanuu wasiir Cadami metelin beesha bariga sanaag oo ay doonayaan in laga bedelo maadaama oo uu muddo dheer xilka hayey wax uu u qabtayna aanay jirin, kuwaas oo ahaa dad tiro badan oo madaxtooyada ka dacweeyey Wasiir Cadami, taasi oo sababtay inuu u yeedho suldaanka guud ee warsangeli oo hadda Hargeysa u jooga imaatinka madaxweyne siillaanyo si uu ugala hadlo arrinta cadami.

Odayaashan oo uu soo abaabulay isla markaana kharashkii ku baxay uu ka bixiyey Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga Cali Jaamac Faarax Buureed, kaas oo ku doonayey arrintaasi inuu xilka kaga tuuro wasiir cadami oo uu khilaafkoodu hadda marayo meel aad u xaasaasiya oo sababtay inay isku adeegsadaan madaxdhaqameedka deegaankooda

Arrintan ayaa waxa ka cadhooday oo aad uga diiray Wasiir Cadami, waxaana uu hadda ku hawlan yahay soo abaabulka Odayaal kale oo ka soo hor jeeda kuwii dhaliilay ee dalbaday in laga bedelo ama xilka laga xayuubiyo, waxaana la filayaa in ay odyaasha isaga tabacsani hadlaan maalmaha soo socda oo ay difaacaan kana leexiyaaan eedaha loo jeediyey wasiir Cadami

Khilaafkan labadan wasiir ka dhex taagan ayaa sababay in ay hakad galaan oo ay kaga mashquulaan u adeegista bulshada ay metelaan oo haba yaraatee intii ay is aheyeen labadan masuul aan waxba loo qaban, una muuqda inay iyagu isku amqan yihiin oo ay ilaabeen dantii qaranka.

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed