Wasiiradda Dawlada Federaalka Somalia oo Waraystay Weftigii Odayaasha ahaa ee Gurmadka Abaaraha u Yimid Somaliland DAAWO
Muqdisho 08.April 2016 (SDN/QJ):- Wefti ka socday dalka Somalia ayaa Maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Magaalooyin ka tirsan Somaliland iyadoo Ujeedada Socdaalkoodu uu salka ku hayay Kaalmo dhaqaale oo ay kaga qayb qaadanayeen Gurmadka iyo Samato bixinta dadka abaaraha Somaliland ka Taagan ku Tabaaloobay.
Weftigan ayaa dib ugu laabtay Magaaladda Muqdisho ee ay ka yimaadeen Waxaana Weftigan Xog waran gaar ah la yeeshay Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Dawlada Federaalka Somalia oo uu hogaaminayo Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte.