|

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dalalka Carbeed oo Shaaciyey Mawqifka ay ka Taagan Yihiin Masjidka Qudus ee Israa’il ay Go’doomisay

Qaahira 27. July 2017 (SDN/QJ):-Kulankii degdega ahaa ee wasiirada arrimaha dibada ee Dalalka jaamacadda carabta oo lagaga hadlayey xaalada masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa  ayaa galabta ka furmay magaalada Qaahira.

Xoghayaha guud ee Ururka jaamacada carabta Axmed Abul Qayd oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeediyey waxa uu sheegay in dalalka carabtu aanay marnaba  dayacaynin Masaajidka Quddus, laakiin uu masaajidkaasi calaamad u yahay dhalashada carbeed.

Axmed Abul qayd waxa uu ka sheegay shirkaasi in masjidka Quddus uu carabta iyo muslimiintaba uga dhigan yahay khadka cas ee lama taabtaanka ah, isla markaana aanay ogolaan doonin in wax ka bedel lagu sameeyo ama cidhiidhi la geliyo qaabka loogu cibaadaysanayo.

Comments are closed