|

Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Dr Khadar Bashiir Ali oo maanta booqatay Iskuulo ku yaala Muqdishu

Muqdisho April 07,2015(SDN/QJ)- In wasiiradu ay booqdaan xarumaha waxbarashada si ay da’yarta u
dhiiri-geliyaan, waxay kamid tahay tillaabooyinka muujinaya xiriirka  ka dhaxeeya siyaasiyiinta iyo bulshada quudata Aqoonta ama Bahda  waxbarashada.Mahadsanid Your Excellency Horn Drs Khadar Bashiir Cali
Wasiirku waxa uu booqday Iskuulka 11 Janaayo ee Magaalada Muqdishu  Somalia.

Drs Khadar Bashiir Cali  Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha  iyo Tacliinta Sare ayaa maanta booqatay Iskuulada Dowladda ee lacag  la’aanta gaar ahaan Iskuulka 11 Janaayo oo ku yaalo Degmada
Cabdicaziis ee Magaalada Muqdishu, waxeyna soo indha indheysay qaabka  Waxbarashada ay u socoto iyadoo si toos ah Su’aalo mid mid u  weydiineysay Ardayda Fasalada ku jirtay.

Wasiirada ayaa si aad ah ugu farxday qaabka Waxbarashada ay u socoto,  waxeyna booqashadeeda ku dhiira galineysay Waxbarashada Bilaashka ah  ee loo simanyahay.

Wasiirada ayaa sheegtay ineyn kor u qaadi doonaan tayada Iskuulada  dowlada islamarkaana sanadkaan laga qaadi doono dalka oo dhan Imtixaan  Qaran.

Dr Khadar Bashiir ayaa faslada Iskuulka mid mid u booqatay, waxeyna sheegtay in Ubadka Soomaaliyeed ee wax ku baranaya dalkooda sida kuwaan oo kale ay mudanyihiin in la dhiiragaliyo oo laga taageero
sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda.

Sidoo kale Wasiirada ayaa xustay in Wasaaradda Waxbarshada ay ka go’antahay soo nooleynta iyo xoojinta Iskuulada Dowladda si Canug  waliba oo Soomaaliyeed uu u helo Waxbarsho lacag la’aan ah waayow
waxey tiri  Waxbarashada lacag la’aanta ah waa loo simanyahay oo  malahan kala sareyn soo celinteedana dalka iyo dadka ayey faa’iido u  tahay.

Ugu danbeyntii Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulada Dowlada ayaa u mahadnaqay Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare booqashada ay ku tagtay Iskuulada taas oo ay ku dhiira galineyso
Waxbarashada loo simanyahay ee bilaashka ah.

 

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed