|

Wasiirada Somalia oo loogu baaqay iney ilaaliyaan hantida Dowladda Xiligan kala Guurka ah ee la Galay

Muqdisho 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada Somalia oo ayaa Kulan ay Shalay Isugu Yimaadeen Xarunta Muqdisho Waxaa lagaga hadlay qodobo door ah oo ay ka mid yihiin amniga dalka iyo ansixinta qaab siyaasadeedka dowladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada.

 

godo1Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa shir gudoominayey kulankan, iyadoo Wasaaradda amniga gudaha ayaa laga dhageystay warbixinta amniga ka dibna waxey golaha u soo jeedisay in la ansixiyo siyaasadda dawladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada oo muddo 3 todobaad ah golah hortaallay golaha.

 

Sharcigan ayaa ka hadlaya sida loola dhaqmayo dadka ka soo laabta xag-jirnimada, golaha wasiirrada ayaana maanta si rasmi ah u ansixiyay qaab siyaasadeedka loo wajahayo.

 

Wasaardda gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa golaha warbixin ka siisay howlgallo maalmihii la soo dhaafay Ciidamada DANAB ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada dalka.

 

Wasiirka difaaca Soomaaliya Jen.C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa sheegay in horjooge qabiir ku ahaa sameeynta qaraxyada in gacanta ay ku soo dhigeen ciidanka DANAB.

 

Wasiirka waxuu golaha ka hor sheegay in DANAB ay yihiin ciidan ay ku faani karaan dadka Soomaaliyeed isla markaana u tababaran cirib tirka wax uu ugu yeeray argagixisada.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo soo xiray shirka ayaa ku boorriyay dhammaan Wasiirrada, Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir xigeennada in la ilaaliyo hantida dowladda waqtiga isbadalka lagu jiro, isla markaana la laba-laabo howsha ay Ummada Soomaaliyeed u hayaan, kana fogaadaan wax walba oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed.

Comments are closed