|

wasiirada Siilaanyo oo xogta xukuumada siiya mucaaridka

Hargeysa Feb 15,2014(SDN)-Wasiirada Xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo EE isku ciilkaabiya in madaxweynaha dhegiisay ay heystaan inamada uu adeerka u yahay ayaa xiriir goose la leh xubnaha mucaaridka ugu mayelka arag.

Mucaaridka dalka ayaa xogaha maamul xumo ee khaasatan wasiirada kalsoonida dheeriga ah ka heysta madaxtooyada wax ay ka helaan ilahaan loo qaateenka ah.

Sidoo kale waxa xogaha xisbiga Kulmiye ee muranku hareeyay mucaaridka u guddbiya dhinacyada xisbiga hogaankiisa isku haya.

Waana sababta uu madaxweyne Axmed Siilaanyo ilaa iyo haatan uga jawaabi kari waayey gantaalaha mucaaridku la dhacayeen mudada dheer.

Waxaad arkeysaa marar badan telephonada wasiirada iyo xildhibaanada oo mucaaridka Ku soo dhacaya xili saxaafaduna ay goobjoog tahay.

Masuuliyiintan ka tirsan xisbul xaalimka ayaa sidan maciin biday ka dib kolkii madaxtooyadu noqotay geeb ay ashqaasi iska maamulato

 

SDN-Hargeyga.

contract@Somalidiasporanew.com

Comments are closed