|

Wasiirada Maaliyadda Somaliland oo Kulan Maanta La Qaadatay Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka Iyo Waxyaabihii lagaga hadlay DAAWO

Hargeysa, 16 January, 2016-(SDN/QJ): –Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ayaa maanta Kulan la Yeelatay Dhamaanba Gudoomiyeyaasha Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada oo Kulankaasi ka hadashay ayaa Sheegtay in Ujeedada Kulankani uu la xidhiidho Sidii Badhasaabada Gobolada dalku ay ugala shaqayn lahaayeen Wasaaradeeda Kordhinta Dakhliga iyo Ololaha Cashuur ururinta.

Marwo Sam Sam Cabdi Aadan Waxaa kale oo ay sheegtay inay ku dhiirigelinayaan Maamulada Goboladu dalku inay Hirgaliyaan Hanaanka Cusub ee Cashuur uruurinta iyadoo Goboladana lagula Xisaabtami doono heerka Cashuur soo saarka.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha Gobolada oo Sheegay inay ku faraxsan Yihiin Korodhka uga Jira Miisaaniyada qaranka oo aan hore ugu jirin iyagoo Wasiirka Maaliyadana ku hambalyeeyay Shaqo maalmeedka Wasaarada Iyo Odoroska Miisaaniyada qaranka ee 2016

Comments are closed