|

Wasiirada Hawlaha Guud iyo Beeraha Somaliland oo u kicitimay Mareykanka

Hargeysa April 26,2012(SDN)-Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle) ayaa maanta u kicitimay dalka Maraykanka halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan xaflado ay jaaliyadda Somaliland ee ku wadankaasi ay ugu dabaal-degayaan 21-sano guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanidda Somaliland ee 18-kii May 1991-kii.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo saxaafadda ugu waramayay madaarka Hargeysa ka hor intii aanay u dhoofin dalka Maraykanka, ayaa sheegay in Jaaliyadda Somaliland ee wadankaasi ku dhaqani ay ku soo casuumeen xafladaha ay ku weynaynayaan xuska munaasibadda 18-ka May.

 

Wasiirka Hawlaha Guud wuxuu sheegay inay jaaliyadda Somaliland uga warami doonaan xaaladda guud ee dalka iyo waxqabadka xukuumadda, waxaanu tilmaamay inay Jaaliyadda Somaliland ku boorin doonaan inay kor u qaadaan iskaashigooda ,kuna dedaalaan inay gacan ka geystaan qadiyadda aqoonsi raadinta iyo horumarka Somaliland.

 

Qurbo-jooga Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa inay sameeyeen abaabulkii ugu weynaa oo ay sanadkan sameynayaan xaflad balaadhan oo ay ku muunaynayaan 21 sanoguuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanid Somaliland oo ku beegan 18 bisha May ee soo socota.

 

Comments are closed