|

Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Duulista Oo Si Wada Jira Ugu Dhawaaqay Go’aan Lagu Mabnuucayo Joojinta Isticmaalka Iyo ku Safarka Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu Sameeyo Gudaha Somaliland DAAWO

Hargaysa 29. January 2017 (SDN/QJ):- Shir Ay saaka iskugu yimaadeen Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Duuliska, Hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, oo ay wehelinayaan Wasiiru Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guudo Cabdillaahi Fadal Iimaan, iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan Caalin ayaa dalka lagaga mabnuucay Guud Ahaanba in lagu joojiyey Isticmaalka Iyo ku Safrida Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu Sameeyo Gudaha Somaliland.

Comments are closed