Wasiirada Arrimaha Dibada Maraykanka Iyo Turkiga oo Kulan Gaar ah wada qaatay Xili Xidhiidhka labada dal aad u xun yahay
Ankara 24. August 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka difaaca ee Dalka maraykanka Jim Matios ayaa Dhigiisa Dalka Turkiga Magaalada Ankara kula yeeshay wadahadalo ku saabsan taageerada hubka ah ee ay washington siiso kooxaha kurdiyiinta reer Suuriya oo ay Turkigu u aqoonsan yihiin kooxo argagixiso.
Socdaalka Wasiirka difaaca Maraykanku ku joogo dalka Turkiga waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo uu madmadow soo kala dhexgalay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee Labada Wadan.
Mr Jim Matios oo muddo maalmo ah ku sugnaa Dalka turkiga ayaa sidoo kale waxa uu la kulmay Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan.