|

Wasiirad Maryama Qaasim oo Iftiimisay Qaabka Midaynta Waxbarashada dalka Qalalaasuhu la degay ee Somali

Muqdisho 09.Sep 2013 (SDN)- Wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ee Soomaaliya ayaa ka hadashay doorka waxbarashada ay ka qaadan karto midnimada Soomaaliya.

Wasiirka horumarinta adeegga bulshada Drs.Maryam Qaasim ayaa sheegtay in midnimada Soomaaliya ay habboon tahay in lagu raadiyo habka waxbarashada, halkii lagu raadin lahaa qaab siyaasadeysan.

Dr-Maryan-Qaasim-300x199Drs. Maryan waxay sheegtay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiran yahay in la soo jeediyo maskaxda dhallinyarada ee la marin habowshay.

Wasiirka ayaa tilmaantay in waxbarashadu ay tahay waddada kaliya ee lagu helo karo xalka ah midnimada Soomaaliya, iyo in dhallinyarada lagu hago dhabbaha saxda ah, si uu u wanaagsanaado mustaqbalka waddanka.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay dowladda Soomaaliya ay daah furtay mashruuc waxbarasho oo hal milyan oo carruur Soomaali ah looga faa’iideynayo fursado waxbarasho.

Hindasha oo la magac-baxay “Aad Iskuulka” ayaa si isku mid ah maanta uga billowday caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka waa-weyn ee Somaliland iyo Puntland.

Comments are closed