Wasiirad Islaam ah oo Iska Casishay Xukuumada Ingiriiska,Kadib markay qaadan wayday Duulaanka Gaza
London 06.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiir Muslim ah oo ka tirsanaa dawladda dalka Ingiriiska,ayaa iska casishay xilkii ay ka haysay xukuumadda London ka dib markii dawladeedu si cad ula safatay dawladda Yuhuudda oo wadda xasuuq ba,an ku haysa shicibka falastiin ee ay bisha dhan ku wadday garaacista ay kaga waddo cir,dhul iyo badba.
Baroness Sayeeda Warsi, oo ah Haweenay Muslimad ah ee ugu horaysay ee Wasiir ka noqota Ingiriiska ayaa iscasishay, Siyaasadda Ingiriiska ee Xasuuqa Qasa ku wajahan darteed. Waxay sheegtay inaanay intaa wax ka badan u adkaysan karayn siyaasadda Ingiriiska ee ku aadan Duqaynta Israel ku wado Qaza.
“Anigoo si Aada u Murugaysan, waxaan saaka u qoray Ra’isal wasaaraha oo aan u gudbiyay Iscasilaadayda. Intaa wax ka badan ma sii taageeri karo Siyaasadda Dawladda ee Qaza” ayay ku tidhi Qoraal Kooban oo Subaxnimadii Salaasadda Maanta ah soo dhigtay Boggeeda Twitter-ka Marwo Baroness Sayeeda Warsi
Baroness Sayeeda Warsi, ayaa ahayd Wasiirka Xafiiska Arimaha dibada, Caddaaladda iyo Bulshada. Waxaana xilkaasi loo dhiibay markii Dawladda Raysal Wasaare David Cameroon ku guulaystay Xukunka sanadkii 2010.
Haweenaydan ayaa Waalidkeedu yahay Pakistani, waxayna ku biirtay Golaha sare ee Baarlamaanka Ingiriiska sanadkii 2007-dii.
Mucaaradka ayaa sidoo kale Xukumadda Raysal wasaare David Cameroon ku Eedeeyay inuu ka aamusay Duqaynta Israel ku hayso Shacabka Falastiin. Waxay u soo jeediyeen inuu farriin cad u diro Israel, taasi oo uu ku sheegayo in Duqaynta iyo dilka Israel ka wado Qaza ay tahay waxaan la aqbali Karin.
Hase ahaatee David Cameroon ma qaadan Dhaliisha Mucaaradka, waxaanu sheegay inuu sax u arko dagaalka ay Israaiil ka waddo marinka Gaza.
London SDN/QJ
contact@qurbejoog.com