Wasiir ZAMZAM Oo Si Cad U Hor Istaagtay Inuu Khadar Cali Gaas Wareejiyo Xilka Maareeyaha TV-ga Qaranka
HargaysaMay 08,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Zamzam Cabdi Adan,ayaa sababo aan ilaa hadda si rasmi ah loo aqoonsan u baajisay Xafalad Xil-wareejineed oo maanta oo Khamiis ah loo maldanaa inuu Maareeyihii hore ee Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland Md. Siilaanyo ka xayuubiyay xikii Maareyaha Tv-ga Qaranka uu ku wareejiyo Masuulka cusub ee loo soo magacaabay Waaxda TV-ga Qaran ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacy-galinta JSL.
Warar naga soo gaadhay maanta xayndaabka Wasaaradda Warfaafinta,ayaa sheegaya in 9:00 Subaxnimo ee saaka uu Wasaaradda iska soo xaadirayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga oo Madaxweynuhu faray in isaga iyo Wasiirka Maaliyaddu xilka u kala wareejiyaan Khadar Cali Gaas oo ahaa Maareeyihii hore ee Tv-ga oo ka dib tacadiyo iyo ku-takrifal awoodeed oo uu kula kacay Shaqaalaha Tv-ga uu madaxweynuhu ka qaaday xilkaas,isaga oo loo mgacaabay la-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Warbaahinta iyo Masuulka cusub ee xilkaas loo soo cumaamaday oo Magaciisa la yidhaahdo Cabdi Cali Mahadi.
Xogaha kalena ee aanu helayno ayaa sheegaya in maalintii shalay markii la weydiiyay Khadar Cali Gaas sababta Xilka laga caydhiyay uu u wareejin la’yahay uu ku tiraabay sida tan: “ ma wareejinaayo xilka ilaa 18 may ka dib, maxaa dhacay ayaa la su’aalay waxa uu si fudud ugu jawaabay waxan haystaa amar madaxweyne oo ah ma wareejin kartid xilka ilaa 18 may, hadaba ma cadanbaa laga heesayaa mise madaxweynihii qaranka ayaa ka noqday xil ka qaadistii masuulkan, cukuse ayaa ku jawaabay sunaha dawladnimada maaha taasi ee isku noqo khadarow.
Intaas ka dib waxa meesha ka dhacay af-lagaado iyo caytan dhanka maareeyaha u badnayd oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradu”.
Dhinaca kalena, Wasiirka Wasaradda Maaliyadd,ayaa xalay ku dhaqaaqday talaabo ugub ku ah sunnaha dawladnimo iyo milgaha xilka umadda loo hayo,ka dib markii iyada oo aan wax war-galin iyo talo ahba ka weydiin Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta sida; Wasiirka iyo Agaasimaha guud iyo taliska Bilayska Somalilandba, ay Oodda kasoo qaaday shaqaale ka tirsan Wasaraadda oo maalintii shalay rabshaddo uu dabadda ka riixayo Khadar Cali Gaas ku qaaday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta oo ay markaas ku shirayeen Masuuliyiinta ugu saraysay Wasaaradda oo ay weheliyaan khubaradda Saxaafadda ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka mid ahaa Wariyaha caanka ah ee Yonis Cali Nuur.
Dadka u dhuun daloolaha Xiisadda ka taagan Wasaaradda ayaa sheegaya in Wasaaradda dhexdeeda aanu ka jirin wax khilaaf ahi,balse ay mushkiladdu tahay fara-galinta qaawan ee kaga imanaysa Masuuliyiin Wasaaraddahooda looga caagay xigtaysasho shaqaalaha ah iyo Naas-nuujin qaraabadooda ah,iyaga oo hantidda Umadda si aan gabasho lahayn u gacal-miisa.
Isku soo wada duubo waxa meesha ka socdaa waa la yaab iyo waxaynaan arki jirin, waa hab-maamul cusub oo aynana hore u arag, ku darsoo dhalinta dagaalantay waa kuwo la jaara wasaarada oo la qoray wasaaradda laguna taraxay dhawr qof oo hore u soo joogay balse la garab ah Khadar Cali Gaas,waana ta keentay in wasaarad dhan oo shaqaynaysa la weeraro oo qaranka u halbowle u ah, weeraraana kuwii loogu talo galay inay ummadda wax gaadhsiiyaan una shaqeeyaan.
SDN/QJ-Hargeysa