Wasiir Xukuumadda Siilaanyo Katirsan Oo Ku Addimay Inaan Khayraadka Dalka Muwaadiintu u Sinnayn, Cidda Cuuratayna Farta Ku Fiiqay
Hargeysa:Mar,24,2015(SDN/QJ)-Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland, ayaa si lama filaan ah uqiray Jiritaanka Tabashada ay qabaan Beelaha Darafyada waddanka, waxana uu xusay in Khayraadkii Dalka aan loo sinayn.
Wasiir Cabdirisaaq Khaliif oo la Hadlay TV-ga Universal, ayaa xusay inuu saxsan yahay qof kasta oo xusa inaan khayraadka aan loo fillayn, wasiir ahaana uu taas aaminsan yahay,
“Kuma qaldana ninkasta oo yidhaahda Khayraadkii dalku ma qaybsana. Anigoo wasiir ahina waan leeyahay taas, horena waan u idhi, waana laga yaabaa sababaha sida loo fasirayaa ay kala duwanaadaan.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif.
Wasiir Khaliif oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Gobollada Sool, Sanaag iyo Borama, ayaa haystaan shaqaalaha ugu tirada ee Xukuumadda u shaqeeya, waxana uu yidhi,
“Tusaale ahaan Dalka waxa laga yaabaa inay 14000-kun oo qof ka shaqeeyaan, waxana laga yaabaa in marka la isku dara Labada Gobol ee ugu baalleeya dhinaca bariga iyo Gobolka Galbeedku inaanay gaadhin 2000-kun oo qof, maanta imtixaan haddii la qaadana oo Hargeysa lagu qaadana cidda soo qaadaysaa ay yar tahay, inkastoo ay sababahooda ay qaybo ku leeyihiin Gobollada qaarkood, gaar ahaan xagga amniga.”
Wasiirku waxa uu tilmaamay inaan loo sinayn Dhinaca Xilalka Dawladda laga hayo, waxana uu intaas ku daray in tirada Xilalka wasaaradaha Haya ee Gobolladaas kasoo jeeda aad tiradoodu u hoosayso, waxana uu yidhi,
“Xagga xilalka waxa laga yaabaa maanta wasaaraheena 26-ka ah agaasimayaashooda waaxyaha marka la isku geeyo waxa laga yaabaa inaanay 5% inaanay ka ahayn Gobolladaasi.”
Inta Badan Wasiirrada katirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ayaan si cad u qiran Jiritaanka Gobolada Bariga iyo Galbeedka Waddanku, waxana inta Badan ay sheegaan inay dadkaasi xaqooda Haystaan, balse Wasiir Cabdirisaaq Khaliif taas waa uu ku dhiirraday.
SDN/QJ