|

Wasiir Xirsi:Xukuumada Talada Haysa oo Taageersanaysa Shacabkeeda Xariirta ah waxaa ka go’an Horumarinta Dalka iyo u Adeegida Dadkeeda(SAWIRO)

Sallaxley Nov 17,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Xasan ayaa ka warbixiyay safarkii ay wefdigii madaxweynaha Soamliland ku tegeen magaalada Sallaxley, wasiirka ayaa qoraalkiisu sidan u dhignaa:

“In Madaxweynuhu kula hoos qadeeyo Geedka Hadhaca ah ee Qoolcaday Boqolaal kamida dadkiisu waxay Astaan u tahay Nabadgelyadda dalkeena iyo jacaylka dadkeenu u hayaan Hogaamiye walba oo Horumar u Horseeda”

Waxay ahayd maanta kadib markii Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland isla markaana aanu ku wehelinayno tiro kamida golaha Was…iiradu aanu socdaal hawleed ku tegnay degmada Salaxley

Ujeedada safarkan ayaa ahayd sidii aanu u soo furi lahayn 5km oo kamida 28-ka km ee hadda ka dhamaystirmay jidka isku xidhi doonaa Salaxley iyo Hargeysa

Waxay ahayd maalin bogaadin iyo barkhad badan oo u soo hootay dhamaan qaranka Somaliland

Sida aynu ognahay waddooyinka dalka ka socda deegaan iyo dad gaar ahi midna malaha oo maalinba qofkii maraya ayaa ka faa’idaysta balse cid ayuu Alle sabab uuga dhigaa in ay dhisto

Sidaas darted, waan u hambalyeynayaa shacabka reer Salaxley iyo guud ahaanba qaranka Somaliland guusha maanta u soo hooyatay

Sidoo kale waxaa wax lagu diirsado ahayd sidii milgaha iyo sharafta badnayd ee shacabka ku dhaqan Hargeysa ilaa Salaxley ay u soo dhaweeyeen waftiga una bogaadiyeen horumarka dalka ka socda.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa geedka hadhaca ah ee Qoolcaday kula hoos qadeeyey boqolaal iyo boqolaal dadkiisa kamida taasi oo muujinaysay nabadgelyada dalkeena iyo jacaylka dadkeenu u qabaan hogaamiye walba oo horumar u horseeda.

Waxaan Aaminsanahay hadii aynu caqligeena iyo cududeena midayno in aynu gaadhi karno guul walba kana gudbi karno caqabad walba oo horumarka inaga hortaagan.

 

Biyo Sacabadaada ayaa lagaga Dhargaa..

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Comments are closed