Wasiir xirsi oo maanta Golaha Hor yimi kana hadlay xaaladda Guud ee Dalka
Hargeysa:4-Sep-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta horyimi Golaha wakiillada Somaliland, waxana uu xogo dheeraad ah ka bixiyey xaaladda Guud ee Dalka iyo arrimo kale oo fara badan.
Sidoo kale waxa uu wasiir xirsi ka jawaabay su’aalo tiro badan oo ay waydiiyeen xildhibaanno tiro badan oo ka tirsan Golahaasi, iyadoo ay wasiirku iyo Goluhu muddo dheer is jafayeen.
Kulankan oo ahaa mid xog waraysi ah, islamarkaana ka mid ahaa hawlaha dastuuriga ah ee ay xildhibaanadu u xil-saaran yihiin, ayaa qorshihiisu ahaa in shaqadda uu wasiirku qaranka u hayo wax laga weydiiyo.
Wasiir xirsi oo ah xubinta ugu hadal haynta badan Golaha wasiirada Somaliland, ayaa dad baddani iska jecel yihiin inay arkaan isaga oo ka jawaabaya arrimo la xidhiidha shaqadiisa, maadaama ay dadku muran badan ka keenaan shaqada rasmiga ah ee uu hayo.
Kulankan maanta oo jawigiisu ka duwanaa midkii ay xildhibaanadu hore ula yeelan jireen wasiirada kale ayaa ugu dambayntii ku idlaaday iyadoo aan la dhamaynin su’aalihii ay xildhibaanadu rabeen inay wasiirka waydiiyaan wasiirka, waxana kulan kale loo ballamay maalinta salaasada ee toddobaadka soo socda.
Somalidiasporanews.com
Contacta@somalidiasporanews.com