|

Wasiir Xirsi Oo Ku Simbiririxday Jawaab Uu Ka Bixinayey Wareejinta Dekedda Berbera Oo Hadalkeedu Taagan Yahay

Hargeysa:Feb,15,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii ugu horraysay Jawaab ka Bixiyey Warar isa soo taraya oo sheegaya in dekedda Magaalada Berbera lagu wareejinayo Shirkadda Palore oo laga leeyahay Dalka Faransiiska.

xirsigaWasiir Xirsi oo u warramay Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inaanay jirin wareejin la xidhiidha dekedda Berbera oo ilaa iyo Haatan dhacday, waxana uu arrintaas ku tilmaamay mid la buun buuniyey oo laga badbadiyey.

Wasiirku waxa uu sheegay inay jiraan dalabyo ka yimi  Shirkaddo badan oo caalamka laga leeyahay, balse aanay wali dhicinn qorshihii lagu kala dooran lahaa dalabyadaasi,  “ Barbari wax ciyaar lagu wareejiyo ka weyn waana marsadii Qaranku lahaa, dad iska dhidar onkad kiciyey ah oo meelahaas ka Hadlay oo aan waxba ogayni, laakiin shirkaddani waa shirkad caan ah oo ilaa iyo soddon meelood afrika ka shaqeeya oo muujisay doonisteeda Dekedda, waana tartansiinaynaa shirkadahaas oo ma jirto cid aanu ilaa iyo haatan qandaraas siinay.” Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay jirin wax heshiis ah oo Dekedda ku saabsan oo uu si gaar ah cid ula galay, waxana uu tuhunkaas ku sheegay mid iimaan la’aan ah oo dad gaar ahi qabaan, waxana uu yidhi,

“Waa wax u baahan in ciddii heshiis lala galayo ubaahan in sharci lala eego oo talo ina inaga siiyo, haddii dekedda la wareejinayana shantaas sanadood ayaa la wareejin lahaa, annaguna shirkado uma shaqaynee qarankaanu u shaqaynaa, isku aragtina waa nahay, wax la kala wataana ma jiraan waase iimaan la’aan dadkeena qaar lagu sallidaye ma jirto.”

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed