|

Wasiir Xirsi oo ku Hanjabay inay Sanka Caano ka Keeni doonaan Gudoomiye Cirro iyo Mucaaridkiisu markay soo Noqdaan

Liverpool 02.Jan 2014 (SDN) Wasiirka Madaxtooyada iyo Wadooyinka Somaliland md Xirsi  oo xalay ka qeyb galay Kulan Weftiga madaxweynuhu kula yeeshay Magaalada liverpool Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dalka UK  ayaa halkaas ka jeediyey Khudbad isugu jirto Xogwaran,Faan iyo Hanjabaad uu direy Mucaaradka Xukuumada.

xirsigaabWasiirka oo ka hadlaaya Mucaaradada Golaha Wakiilada oo sii Xoogaysatey Maalmihii ay Wadanka kasoo maqnaayeen ayaa yidhi sidatan,

Waxaan Maqmaqlaayey Rag Mucaaradka ka tirsan oo Maalmahan lahlahaa Xukuumadii ayaa lagaga adkaadey Golihii Wakiilada waxaan u sheegayaa kuwaasi sidaas leh in Xukuumadu muddadii ay Talada Wadanka haysay ay 40 Xeer ama issue u gudbisay Golaha Wakiilada mid keli ah oo la hor istaageyna aanu jirin iyo mid lagu soo celiyey toona”

Wasiirku isagoo Faan ka dhigaaya sida Goluhu ugu Jajabnaa ama ula shaqaynayeen Xukuumada ayuu intaas kusii darey inay ay is ticmaalayeen afartan kaas jeerba Siyaasad iyo Farsamo ay Golaha kaga Fushanayeen Hawlaha Xukuumada, Waxaanu sii raaciyey in Wadashaqanina ka dhaxayn jirtey.

Wasiirka ayaa intaas raaciyey in Golaha intii ay kasoo maqnaayeen uu ninka Gudoomiyaha ka ah Golahu uu Xeer hoosaad uu golaha dhex marsadey oo danihiisa ku fushanaayo taas oo buu yidhi wasiirku aan wax weyn ahayn balse haday Mucaaradku Naruuro moodeen layskaga daba iman doono.

Wasiirka ayaa isagoo Hanjabaaya ku maahmaahay nin Reer Miyi ahaan jirey oo Beeshayda ah buu yidhi Wasiirku oo Riyaha Dhaqda ayaa wuxuu lahaa laba xaas iyo Ciyaal kadibna Maalin maalmaha ka mid ah buu Caano Riyaad ka dhergey markaasuu Xaasaskiisii ku yidhi yaa legdin ii baxaaya? Dabadeedna marba mid buu legdaa Xaasaskiisii iyo Caruurtiisii Maalintii danbe ayuu Magaalada yimi ninkii markaasuu dadkii ku yidhi Yaa Legdin ii baxaaya? Ninbaa usoo baxay markaasuu Beerka kaga fadhiistey, ninkii reer miyiga ahaabaa Sanka Caano Ka Keeney; Markaa waxaan leeyahay Qolyahan Mucaaradka ah Sanka Caano Haka Keenina Markaanu Soo Noqono.

Wasiirka ayaa wuxuu dhinaca kale warbixin ka bixiyey Safarkii iyo Wada hadaladii Turkey-ga isagoo sheegay inWeftiga Somaliland ka gacan sareeyeen Weftiga Dalka Somaliya Guulona ay kala soo hoydeen Wadahadalada.

Liverpool SDN.

Contact@somalidiasporanew.com

Comments are closed