|

Wasiir Xirsi Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Halka ay Marayaan Dedaalladii Dekedda Berbera Lagu Maalgashanayey

Dubai:June,09,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka Hadlay ujeedada safar wafti uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo ku joogaan Dalka Imaaraadka Carabta, waxana uu si gaar ah u faahfaahiyey tallaabooyin la doonayey in Dekedda Berbera maalgashi caalami ah loogu sameeyaa halka ay marayaan.

xiirerWasiir Xirsi oo la Hadlay idaacadda VOA-da, ayaa sheegay inay saraakiisha ugu sarraysa Dalka imaaraadka kala hadleen Arrimo badan oo la xidhiidha horumarinta xidhiidhka labada dhinac iyo sidii imaaraadku kaalin muuqata uga qaadan lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha somaliland,

“Marka laga tago xidhiidhka guud waxanu ka wada hadalnay horumarinta Kaabay-yaasha dhaqaalaha sida dekedaha oo dekedda Berbera ugu mudan tahay iyo waddooyinka isku xidha dalka iyo madaaradda oo Halbawle ah, horumarinta caafimaadka, ayaanu ka wada Hadalnay.” Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Waxa kale oo uu sheegay inay kala hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Arrimaha Qaxootiga yemen kasoo bara kacay oo somaliland jooga haatan, waxana uu yidhi,

“sidii ay caawimo xagga bani’aadanimada ah iyo qaxootiga kasoo qulqulaya dalka yemen sidii ay nooga taageeri lahaayeen iyadoo ay dhaqaalahayagii ay saamayn ku leedahay iyo dano badan oo kale ayaanu kala hadalnay.”

Waxa uu wasiirku ka Hadlay halka ay marayso qorshe xukuumaddu wadday oo la doonayey in  shirkado laga leeyahay dalka imaaraadku ay maalgashi ku sameeyaan Dekedda Berbera, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“Berberi waa meelaha dalka ugu mudan waxayna ku taalla goob istaraatiiji ah, waana deked u baahan in la horumariyo oo laga dhigo mid adeegga dalkeena uwada qaban karta duniduna inala wadaagi karto. Dekedduna waxay tartan kula jirtaa dekedaha kale ee Caalamka. Imikana wada-hadalkeedu waa bilow oo lama odhan karo wax baanu isla meeldhignay.”

Ugu dambayntii waxa uu wasiir Xirsi ka Hadlay muranka sharci eek a taagan Muddo-kordhintii Guurtida ee uu ka dambeeyey heshiiskii saddexda Xisbi-qaran, waxana  isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“Guurtida sharciyadeeda la iskuma haynine waxa la isku hayey sidii wakhtiga la isula fahmi lahaa, marnabana sharciyadda guurtida la isku qabsan wakhtigu waa dheer yahay iyo ma dheera iyo maslaxadii  guud ee Doorashada, ayaa la isku hayey.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed