|

Wasiir Xil Muhiim ah Ka Hayey Maamul-goboleedka Puntland Oo Iscasilay

Garowe:June,13,2015(SDN/QJ)-Ismaaciil Maxamed Warsame oo ahaa Wasiirkii Cadaalada maamulka Puntland, ayaa goor dhaweyd shaaciyey inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu maamulkaas u hayey.

casioWasiirii Cadaalada ee  Puntland ee ku dhawaaqay Iscasilaadan ayaa kamid ahaa Wasiirada sida weyn loo hadal hayay in laga qaadi doono xilalka ay hayaan, maadaama maalmahan oo dhan ay soo baxayeen wararka sheegaya Isku shaandheynta xubnaha golaha xukuumada ee Puntland.

Ismaaciil Maxamed Warsame oo is-casiladiisa u sababeeyay in madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa isku maandhaafeen sii joogitaankiisa ayaa sidoo kale sheegay in mudo 8-bilood ah aanay si nadiif ah u helin xaquuqdii ay la haayeen.

Muran dibadda usoo baxay oo u dhexeeya Madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisa, ayaa wax laga saarayaa iscasilaadda wasiirkan cusub, waxana la filayaa in saacadaha soo socda qaar kalena is casili doonaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed