Wasiir Xaglo-toosiye oo Shaaciyey in 32 Qof Shuban ugu dhinteen Burco, Tirada Jiifta, Heerka Cudurka & Itaalkooda DHAGAYSO
Burco 05. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay in tirada Dadka magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer Sagaalkii Cisho ee ugu dambeeyey ugu dhintay Cudur-ka Shuban-biyoodka ee ka dillaacay ay marayso 32 Ruux, isla markaana ay hadda Xarunta Caafimaadinta ee Shuban-biyoodka ee Cusbitaalka Burco ay Jiifaan 93 Qof oo Xanuunka u soo dhacay.
Wasiir Xaglo-toosiye, waxa uu sheegay in Cudurku deegaanno kala duwan oo hore ka dillaacay oo ku teedsan Xadka, sida Buuhoodle iyo deegaanno Sool ka tirsan, balse ay Wasaarad ahaan ku guulaysteen inay xakameeyaan. Hase-yeeshee, hadda Burco oo uu ku sugan yahay Cudurku bilihii u dambeeyey ka jiray, isla markaana ku talo-jiraan inay ku guulaysan doonaan Xakamayntiisa.
Tirada Dhimashada ee 32-ka Ruux maraysa waxa uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Somaliland marka loo eego baaxadda Cudurka inay yar tahay Tiradaasi.
Waxa uu Wasiir Xaglo-toosiye intaas ku ladhay in Dad gaadhaya illaa saddex Kun oo Ruux ay u soo dhaceen Xanuunka oo intii badnayd la daweeyey, keliya inta wakhtigan Cusbitaalka Burco jiiftaana tahay 93 Ruux.
Guud ahaan deegaannada uu Cudurku ka dillaacay dhawrkii bilood ee u dambeeyey ee ay Abaartu jirtay iyo intan Roobku da’ay-ba, waxa uu ku sheegay Wasiirka Caafimaadku inay gaadhayaan Dad ka badan Toban Kun oo Ruux, isla markaana Dad ka badan Sagaal Kun oo Qof lagu guulaystay in la daweeyo oo Illaahay ka caafiyo Cudurkaas.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi uu Khadka Taleefanka kula yeeshay Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA Cabdixakiin Shirwac, waxaanannu Waraysiga uu Wasiirka oo Burco ku sugani bixiyey idiinku soo gudbinaynaa qaybta Codadka ama Raadyaha ee Qurbejoog.com, waxaanad ka dhegaysan kartaan ama kala degi kartaan Codka Waraysigaas Liidka Madawga ah ee Qoraalkeennan ka hooseeya ee ka dhegaysi habboon:-