Wasiir Xaglo Toosiye oo Mudo kadib Markii u horaysay Socdaal ku tagay Xarunta Sool ee Laascaanood
Laascaanood20.October 2013 (SDN)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee JSL Dr saleebaan Ciise Axmed oo maanta socdaal shaqo ku tegay Gobolka Sool ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood, waxana uu dhagax dhigay dhisme cusub oo uu yeelan doono Mac-hadka caafimaadka ee Gobolkaasi.
Wasiirku waxa uu kulan la qaatay maamulka gobolka iyo ka degmada Laascaanood isagoo kormeer ku soo maray, xarunta dawladda hoose, dhismaha cusub ee Xukuumadda Somaliland u dhistay jaamacadda Nugaal, cisbitaalka guud ee laascaanood, iyo xarumaha kale ee caafimaad ee halkaasi ku yaalla isagoo warbixino ka dhegaystay mas’uuliyiinta iyo hawlwadeenada ka hawlgala goobahaasi.
Munaasabadda uu wasiirka caafimaadku ku dhagax dhigayey dhismaha mac-hadka caafimaad ee magaalada laascaanood waxaa goob jog ka ahaa Badhasaabka gobolka Sool Md Maxamed Faarax Aadan, mayorka magaalada laascaanood C/qaadir jaamac Saalax, saraakiisha ciidamada, waxgarad ka tirsan dadweynaha deegaanka iyo mas’uuliyiin kale.
Laascaanood SDN.
Qurbejoog.com