“Wasiir Xaglo-toosiye Isagoo Dad Reer Somaliland ah laayey Buu Dallacay oo Lacag Hal milyan oo Dollar ah la siiyey oo waliba Wasaaraddii ugu muhiimsanayd la siiyey, Xildhibaan Dhakool.
Hargeysa:Aug,12,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed(Dhakool)oo katirsan Golaha Wakiillada, lagana soo doorto Gobollada Bariga Dalka, ayaa iska difaacay eedo uu dhawaan Wasiirka Caafimaadka Somaliland u jeediyey mudanayaasha Bariga dalka laga soo doorto, kuwaas oo uu ku dhaliilay xilgudasho la’aan.
Xidhibaan Dhakool oo warbaahinta kula Hadlayey Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland ayaa wasiirka Weerar ku qaaday, waxana uu tilmaamay inaanu wasiirku waxba ka sheegi Karin xildhibaanada, maadaama sida uu sheegay ay shaqadiisii gaarka ahayd baylah tahay.
Xildhibaan Dhakool waxa uu sheegay inuu raalligelin ka bixinayo Hadalladii Wasiirka Caafimaadku hore warbaahinta u mariyey, waxana uu su’aal geliyey caafimaadka maskax ahaaneed ee Wasiir Xaglo-toosiye,
“waxan aad uga xumahay in warbaahinta ay dad deegaan kasoo wada jeedaa isku dhaleeceeyaan, laakiin way ka fursan weyday, markii wasiirka caafimaadku dhaleecayn jeediyey in loo jawaabo, anigu laba arrimoodba dadkii hadalkiisaa maqlay waan ka raalligelinayaa oo caydaas iyo aflegaaddadaas dadka odayaasha ah ee milgaha iyo maamuuska leh waan ka raalligelinayaa, marka labaadna inta badan wasiirku marka uu hadlayo isagoo miyin qaba ma hadlo, markaa qof aan miyir qabin oo maalin walba intuu warbaahinta yimaaddo ku hadlaya wax aan maamuuska mudnayn waan ka raalligelinayaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Dhakool.
Waxa uu xildhibaanku sheegay inuu Wasiirka Caafimaadku Somaliland xil muhiim ah iyo lacagba kaga helay Shacab aan waxba galabsan oo uu Laayey, isagoo hore ugu soo guuldarraystay Isku dayo uu xilal kaga raadsaday Meelo kale oo Dhulka Soomaalida kamdi ah, waxana uu yidhi,“Wasiir Xaglo-toosiye dhawaan buu waddanka yimi meelo badan buu soo maray oo Puntland buu iska sharraxay oo waa laga soo caydhiyey, xamar buu iska sharraxay oo waa laga soo caydhiyey, SSC buu iska sharraxay oo waa laga soo caydhiyey, isagoo Dad Reer Somaliland ah laayey Buu Dallacay oo Lacag Hal milyan oo Dollar ah la siiyey oo waliba Wasaaraddii ugu muhiimsanayd la siiyey, markaa ninka noocaas ah caydu ceeb uma aha.”
Mudane dhakool waxa uu tilmaamay in Wasaaraddii Caafimaadku u xidhan tahay maamul xumo dhinaca wasiirka ka timi, “Maanta wasaaraddii caafimaadku waa xidhan tahay, waxyaabaha ka dhacay ee ama musuqmaasuq ah ama anshax xumo ahna aad baa dadku uga dheregsan yahay, waana ka xumahay in wasaaraddii lagu eedo oo ay xidhnaato.” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Dhakool.
Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa wasiirka ku eedeeyey Anshax-xumo, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Tiroba waxan ogahay in saddex xaafadood oo magaalada ah oo wasiirka Anshax xumo looga caydhiyey, waxana aad uga warhaya qolada khayr qabayaasha ee wanaagfarista iyo xumaan reebinsta, xaafad kasta oo uu tagona marka darisku ka asshkatoodaan baa derisku yidhaahdaa yaa naga qabta, maalin walbana isagoo wajigu diirdiiran yahay oo fartu go’antahay buu madaxtooyada yimaaddaa, waxase aan ka naxsanahay dadka uu shaqada u hayo.”
Waxa uu sidoo kale Xildhibaan Dhakool ku eedeeyey Wasiirka Caafimaadka inuu gacanta kula jiro Lacago loogu talo galay Bariga Somaliland, waxana uu yidhi,“Somaliland Development Fund lacag bay somaliland siisay Ceerigaabo iyo Laascaanood shan Milyan iyo laba Boqol oo Milyan oo dollar oo gacantiisa ku wareegaya, ayaa ugu wacan inaanu miyir la’aan ku jiro oo uu dadka caayo, madaxweynahana waxanu leenahay ninkaas tallaabo hallaga qaado.”
SDN/QJ