|

Wasiir Warancade oo la Soo Weriyey inuu Ku Gacan Saydhay Xilka Cusub ee Wakiilka Somaliland u Fadhiya Itoobiya ee Xalay loo Magacaabay Una Arka in la Masaafurinayo

Hargaysa 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore Arrimaha Guddaha Md Cali Maxamed Waran-cade, Oo xalay Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Safiirka Somaliland U Fadhiya Itoobiya, ayaa si rasmiya u diiday inuu qabto xilkaas, isagoo kugacansaydhay qabashadda xilkan xalay Madaxweynuhu u magacaabay.

Waran-Cade-Iyo-SiilaanyoEx Wasiir Waran-Cade ayaa xalay Madaxweyne Siilaanyo xilkii Wasaaradda Arrimaha Guddaha ka qaaday, isagoo u dhiibay Danjiraha Somaliland u fadhi doona dalka Ethiopia taas oo uu diiday inuu qaato xilkaa madaama uu hayn jiray xilal sare oo wasiirnimo u yar tahay.

Wasiir Waran-cade, ayaa xilkan loo dhiibay ku tilmaamay in aanu aqbali Karin qabashadiisa, isagoo xusay in aanu diyaar u ahayn inuu qabto, isla markaana uu u arko mu’aamarad dalkiisa lagaga mustaafurinayo. Md Waran-cade sheegay inuu Madaxweynuhu ku mahadsan yahay inuu u magacaabo xilkan, balse aanu diyaar u ahayn inuu qabto, isla markaana cid kale u dirto shaqadan.

Sida ay ilo ku dhow Waran-cade ayaa Sheegaya  inuu Ex-wasiir Waran-cade Saacadaha Soo Socda inuu la hadli doono Warbaahinta Isla markaana uu Cadayn doono Sababaha aanu ugu Qancin Xilka Wakiilnimo ee Madaxweyne Siilaanyo u Igmaday.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirkii Hore Arrimaha Guddaha Md Cali Maxamed Waran-cade, ayaa xalay ka mid ahaa masuuliyiintii ay sahayatay seeftii Madaxweynuhu, waxaanu noqonayaa masuulkii ugu horeeyey ee durba diiday xilka cusub ee Siilaanyo xalay u magacaabay

 

Xigasho Wargeyska FOORE

Comments are closed