” Mucaaridka Jinka iyo Insiguba waxbay u sheegaan, waanay dhagaystaan.” Cali Maxamed Warancade,DAAWO
Hargaysa 08.Feb 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade waxa uu ka hadlay aragtidiisa Wasiirada Maaliyadda,Arrimaha dibadda iyo Gudoomiyaha Kulmiye ee Madaxnimada u tartamaya “Runtii Madaxweyne ayaa maanta meesha jooga, Kursiguna horta Nin uun Buu qaadaa, iyaga laftooduna way caddeeyeen inay arrintaas ka tanaasuleen.waxa la yidhi Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaaye wakhtiga dambe ha la gaadho, Madaxweynahani 10 sanno ayuu leeyahay marka uu dhamaysto waaba laga yaabaa qaar aanay filayni inay meesha yimaadaan,markaa maahaba wax maanta laga sii hadli karo arrintaasna dhulkaanu dhignayba haddaanu nahay dawladda,waxaanan u aragnay arrin aan haboonayn”Wasiir War cade oo u waramayay TVga UNIVERSAL.
Wasiir warancadde waxa uu ka hadlay dib u dhac doorashada ka muuqda “Annaga dawlad ahaan laba arrin oo waaweyn baa naga khuseeya doorashada, mid waa diwaangalinta, waxayna hadda maraysaa in Lacagteedii oo aan markii hore meelna ku jirin la iska jaro oo khasab ah maantana ay meel fiican marayso. Talabaad waxa weeyaan kharashkii doorashada loogu talo galay inay 2015-ka ku dhacdo isna meel buu yaalaa oo loo asteeyay, markaa labadaas arrimood markaad eegto waxaad arkaysaa in dawladdu diyaar u tahay qabashada doorashada wakhtigeedii, waxaase muuqata Beesha Caalamka oo ay ahayd inay sameeyaan Diwaangalinta Codbixiyeyaasha oo ay ahayd inay 6 Bilood ka hor wakhtiga doorashada ay dhameeyaan ilaa hadda wali may bilaabin.Annagu waanu is aragnay Gaalada waxaaanu ku nidhi haddii arrintaasi dhacday oo ilayn wakhti baa soconayee waa inaad idinku qaadataan Masuuliyadda(Dib u dhaca doorashada) oo dawladda iyo bulshadaba u sheegtaan, haddii kale cidii wakhtigu ka soo gaadho shaqadeeda ayaa yeelanaysa masuuliyadda iyo khaladka” Ayuu yidhi Wasiir Warancadde.