|

Wasiir Warancade oo Ka Hadlay Qaraxyo Habeenadii u danbeeyay ka Dhacay Hargaysa,Tilmaana ka bixiyay Xadhiga Wasiir ku Xigeenkiisi hore

Hargaysa 30.May 2014 (SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md.Cali Maxamed Warancade ayaa ka hadlay Labbadii qarax ee Xallay iyo Habeen hore ka kala dhacay Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in qaraxyadaasi ay ahaayeen Shaani ladhigo meelahasi oo laggu khalkhalgalinayo Dadka Maatida ah ee isku jirra caruurta iyo haweenka, waxaanu Tilmaamay in ay gacanta ku soo dhigeen illaa 5 Qof kuwaasi oo la tuhunsan yahay, qaar kalena ay ku daba jiraan, waxaanu sheegay in ciidda ka qarxinaysa shaaniyada ay gacan bir ah ku qabandoonan oo Abaalkooda ay ka waraabindoonan ciqaab culusna ay marindoonan.

Warancade2Sidaasi waxa uu wasiirku ku sheegay Shirjaraa’id oo Goordhaweyd uu ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa oo ay ku wahelinayeen Taliyaha Booliska ee Somaliland Cabdilaahi fadal Imaan iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Asluubta iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Amaanka.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in Qaraxyadani ay billaameen tan iyo intii uu billaamay Khilaafka Xisbiga Kulmiye waxaanu wasiirku si cad uu sheegay in dad waaweyn oo masuuliyiin ahi ay dalka khalkhal galinayaan isaga oo sheegay in aanay u dulqaadanayn cidii falkaasi ka danbeysay.

Wasiir warancade waxa kale oo uu sheegay in Wasiir-kuxigeenkii  Amniga Cabdilaahi Abokor ay ku soo qabteen Gurrigiisa Hub isku jira Bikemayo, AK-47 iyo Bastoolado waxaanu wasiirku sheegay in markii ciidanka boolisku gurriga ay tageen ay iska caaabin ay la kulmeen oo Naftii Booliska la halis galiyey.

Wasiirku wax auus Shacabka Somaliland ugu baaqay in ay waxa dhib ahi jirin oo ay isdajiiyan.

 Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed