|

Wasiir waran-cadde oo maanta 20 Gaadiid ah oo Dalka ku cusub ku wareejiyey Ciidanka Booliska

 
 jjjjjHargeysa(SDN);-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa maanta ku wareejiyay Ciidanka Booliska Gaadiid tiradoodu gaadhayso 20 Gaadhi oo ah Nooca Booliska kuwaasi oo loogu tala galay in loogu Adeego Amaanka Shacabka Somaliland sida uu sheegay wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland.
Taliyaha Ciidanka Booliska oo Gaadiidkan kaga gudoomay wasiirka Barxada hore ee wasaarada Arimaha gudaha ayaa sheegay in wax wayn ay ka tarayaan Amaanka Magaalooyinka iyo wax ka qabashada Tuugta iyo Dhalin yarada wax dhibaateeya.
 
“Waxay Baabuurtani wax ka tari doonaan Ciyaalka iyo Tuugta Xaafadaha wareerisay iyo cid kasta oo wax u dhimi karta Nabad galyada,waxaanan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Wasiirka Arimaha Gudaha oo isagoo mudo yar joogay Ciidanka Booliska ku soo kordhiyay muuqaal ka Gaadiidkaas wax tarka leh ee aad arkaysaan” ayuu yidhi Taliye Guuto Cabdilaahi Fadal.
 
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo isna ka hadlay Gaadiidka uu ku wareejinayay Ciidanka Booliska ayaa sheegay in Baabuurtan loogu talagalay Ciidanka Gargaarka degdega ah ee goobaha wax ka dhacaan loogu furmanayo.
“Baabuurtani waxay kaga duwan yihiin Hawlihii hore ee Booliska waxay leeyihiin lambar la yidhaahdo nayn-nayn(999) oo aan markaliya mashquul noqon doonin. Qofku wuxuu fursad u helayaa isagoo Gurigiisa jooga hadduu shakiyo inuu ku dhufto lambarka 999. Waxa uu qayb wayn ka qaadan doonaa dhibaatooyinka Magaalooyinkeena ay ku kacdo dhalin yaradu oo wax yeeleeya Dumarka, Caruurta iyo Dadka waayeelka ah Qofku hoosta ka garaacan doono 999.” Ayuu yidhi Wasiir Cali Warancade.
 
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay in Gaadiidkani wax wayn ka tarayo soo qabashada cid kasta oo hadimaynaysa Amaanka dalka , iyadoo Booliska iyo Bulshaduna ay yeelan doonaan Xidhiidh fiican oo wada shaqayneed.
“Afar iyo labaatanka saacdood waa ciidamo heegan ah waxay inta badan dhex joogidoonaan oo ay dhex wareegi doonaan Xaafadaha iyo goobaha Bulshadu ku nool yihiin.waxaan shacabka u soo jeedinayaa mar haddii aanu fududaynay hawlihii Booliska in Shacabkuna halkii hore ka soo dhawaadaan oo ay dareemaan in Boolisku walaalahood yihiin.waxaa loo baahan yahay inay la shaqeeyaan Ciidamada way jiraan eedo badan oo Booliska lagaga cabanayay laakiin waxaanu kuwan u tababaray inay Nafihiina Badbaadiyaan idina aydaan cabsi ka qabin.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland.
 
Gaadiidkan ayaa la filayaa inuu wax badan ka taro Amaanka Xaafadaha oo ay waayadan ku soo badanayeen Dhalin yaro kooxo u wada socda oo dadka isku taaga jidadka islamarkaana ka qaada waxyaabaha ay sitaan sida Mobile-ka iyo wixii la mida sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka.
SOMALIDIASPORANEWS.COM
Axmed Cumar Axmed (timo)  Hargeysa Office.

Comments are closed