Wasiir Waran-cadde Oo Ku Fashilmay Inuu Shacabkiisa Siiyo Jawaab ay Kaga Qancaan Muwaadiniinta Geerida Lagu Tiriyey ee Uu Djibouti U Gacan Geliyey
Hargeysa:July,07,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa diiday inuu jawaab shacabka iyo caalamkaba qancisa ka bixiyo tallaabo dhawaan xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ugu gacan gelisay Dhiggeeda Djibouti muwaadiniin reer somaliland, kaas oo la sheegayo in lagu jidh-dilay Xabsiyada Djibouti, isla-markaana uu halkaas ku geeriyooday.
Wasiirka oo idaacadda BBC-da qaybteeda afka somaligu wax ka weydiisay sharciyadda ay ku dhiibeen Muwaadinkaas, maadaama uu yahay mid Somaliland u dhashay ayaa bixiyey jawaab Geed-sare-waab ah oo uu ku ag marayo xaqiiqda,
“Waa la saarayaa, wayna jiraan dad halkan lagu qabtay, laakiin wixii reer Somaliland ah kiiskooda waxa lagu qaadayaa Halkan”ayuu yidhi wasiirku isagoo diiday inuu sheego sababta keentay in Djibouti oo aanay u dhalan lagu wareejiyo.
Muwaadiniinta reer Somaliland ee dhawaan Djibouti lagu wareejiyey, isla-markaana wararka soo baxayaa sheegayaan inay garaacis iyo jidh-dil qaarkood u dhinteen, ayaa noqonaya taariikhda Somaliland kuwii ugu horreeyey ee dal shisheeye la geeyo iyadoo laga qaadayo dhulkoodii hooyo ee ay ku dhasheen.
Ehellada dadka la qaaday ayaa dul meehanaabaya xafiisyada cali warancadde iyo kuwa ciidamada Dembi baadhista, waxana ay awoodi waayeen inay dadkoodii kaga daba tagaan dalka Djibouti oo goor horeba loo qaaday iyagoo garba-duuban.
Sumcad-xumadan cusub ee xukuumadda Siilaanyo soo kordhisay, ayaa laga hadal hayaa Waddanka, waxana ay shacabka gelisay dareen ah inay hoos u dhigtay meeqaamkii, karaamadii iyo jiritaankii dawladnimada, maadaama hadh cad muwaadiniintii dalkan u dhashay oo jeebaysan lagu wareejinayo cadow jeelasha koronto iyo laydh ugu diyaarsaday.
SDN/QJ-Hargeysa