|

Wasiir Waran-cadde Oo Fallaadh Uu Si Fudud Mucaaradkiisa Ugu Ganay Jawaabteeda ka Helay Dhiggiisa Somaliya

Hargeysa:22-Nov-2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa Hadal uu mucaaradkiisa ku durayey waxa ka cadhooday kana Jawaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Cabdikarin Xuseen Guuleed.

guuleedWasiir Waran-cadde oo Hadalkan uga Dan lahaa inuu Dabar uga dhigo mucaaradka Xukuumaddiisa oo Beryahan loo Waayey Wax lagaga Hor istaago Shir Xukuumadda Laf Dhuun Gashay oo mucaaridku ku baaqeen ayaa ugu dambayntii miciinsaday inuu      Eedo ka  Soo Egaysto Maamulka Muqdisho.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Nuxurkiisu ahaa inay Mucaaridka si Toos ah lu ugu leeyihiin Fadqalalo xamar laga soo waariday oo shacabka somaliland Dareen Taban ku Abuuray, islamarkaana la fahmi waayey waxa ku kallifay, ayaa waxa Jawaab ka Bixiyey  Wasiir Arrimo Dibadeedka Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, ayaa Hadalkan wasiir Warancadde, waxana uu sheegay inuu warkaasi laf jab ku yahay Geeddi-socodka wadahadaladii u dhexeeyey Somaliya iyo Somaliland.

“ HadalHaddaanu nahay Dawladda Somaliyeed aad Baanu ula yaabnay Hadalka ka soo yeedhay wasiirka arrimaha Gudaha somaliland. Dawladda Somaliyeed iyo Somalilnad waxa y ku jireen wadahadalo meel fiican iyo is fahan wanaagsan maraya oo looga Gol Leeyahay Sidii  mashaakilka jira loo xallin lahaa, kuwaas oo dhawr wareeg qabsoomay Haatanna meel Fiican Maraya” ayuu Yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya.

Sidoo kale waxa uu Tilmaamay inay Hambalyeynayaan Guulaha ay Xukuumadda Somaliland iyo Shacabkeeda oo isku Duubani ka soo Hooyeen Dhinacyada Ammaanka iyo Horumarka oo aanay ka Hinaasaysaynayn, waxana uu yidhi, “Waajibkayagu waa inaanu u hambalyeynaa Guulaha dhinaca Nabadda iyo Horumarka somaliland  iyo shacabkooda oo gacmaha is Haystaa ka Gaadheen Dhinacyada Iyo Horumarka, waanu ku faraxsanayay, caqabadna kuma nihin wanaagaasa iyo nabaddaas,”

Wasiirka reer Somaliya, ayaa sheegay In Hadalkan ka soo Yeedhay Dhiggiisa Somalilnad uu Si Buuxda Dhabarka uga Jabinayo, kana Hor imanayo wixii ay labada dhinac ku dhigteen Waddanka Turkiga iyo Waliba Shirka Loo Ballansan yahay Bilowga Bisha Soo Socot, waxana uu yidhi, “Arrimaha wasiirku ka Hadlay uma fiicna wadahadalada socda iyo wanaagga la filayo warkanina dhibaato weyn ayuu ku yahay is fahamkii iyo is af garadkii wadahaladu horseedeen”.

Hadalkan ka soo Yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya ee uu kaga jawaabayo ku lug lahaanshaha Xukuumadda Somaliya ee Rabshado laga sameeyo Somalilnad, ayaa imanaya Xilli qaar ka mid ah mucaaridkii uu wasiir Warancadde Eeddan u xambaariyey aanay wax jawaab ah Bixinin.

Sidoo kale Hannaanka uu wasiir Waran-cadde ugu jawaabay Mucaaridkiisa iyo waxyaabaha uu sheegay inuu soo Bandhigi Doono, ayaa u muuqda qaar aan Habboonayn in Dhegaha Cadowga la Maqashiiyo, waxase taas loo Nisbaynayaa dhamaanba Xadhkihii ay Xukuumaddu eedda uga dhigaysay Mucaaridkeeda oo Dhammaaday, sidaa darteed Haatan ay Xukuumaddu Xalkii Mucaaridka lagu joojin lahaa ay xamar ka Doontay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed