Wasiir Waran-cadde Oo Dhuuni Doon ku Tilmaamay Waxgaradka Warbaahinta u Mariya Farriimaha La Xidhiidha Xasilooni-darrada Dalka Kasoo Cusboonaanaysa
Hargeysa:Feb,19,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Odayaasha iyo waxgaradka cabashada ka muujiya xaalka dalka iyo hannaanka siyaasaddu ku socoto ku tilmaamay qaar doonaya lacago laaluush ah oo ay cunaan.
Wasiir Warancadde oo shalay ka hadlayey madal uu marti ku ahaa, ayaa sheegay in qaar doonaya lacago ay si qaldan ku helaan inta badan hanjabaad lasoo fadhiistaan Warbaahinta, waxan uu tilmaamay in ujeeddada raggaasi tahay sidii ay waxoogaa kharashaad ah u heli lahaayeen,
“qaar baad maqlaysaa ku leh xaaladda dalka hallaga hadlo, ragga caynkaas lihina waxay u ham iyo dig leeyihiin Buraashadaas wuxuu ka darsado bacadlaha, markaa waxa loo baahan yahay adeer beledaada halkaaga la joog oo wasiirka daakhiliga u tag.”ayuu yidhi waran-cadde.
Hadalkan wasiir warancadde, ayaa loo arkaa mid uu ku asturayo qancin la’aantiisa dhinaca madax-dhaqameedka ah iyo warwarka dhinaca ammaanka ah eek a abuurmay deegaano kamid ah dalka.
Arrimaha sida weyn loo hadalhayo ayaamahan ayaa waxa ugu weyn weerarkii dorraad deegaanka Gobolka Sanaag loogu geystay Badhasaabadda Gobollada Sanaag iyo Awdal, halkaas oo koox hubaysani rasaas oodda kaga qaadeen.
Ammaanxumadaas, ayaa intooda badani la kawsaday Intii uu xilka la wareegay wasiir Waran-cadde, waxana uu ku guuldarraystay inuu qaneeco ku dhameeyo isku dhacdo ka jira meelo badan oo dalka gudihiisa kamid ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com