Wasiir Waran-cadde Oo Cadho Iyo Ciil Dalka Kaga Dhoofay, Kadib Markii La Joojiyey Malaayiin Lacago ah Oo Wasaaraddiisu Heli Jirtey
Hargeysa:April,18,2015(SDN/QJ)-Isbeddel ku yimi hannaan dakhli ee Dalka, ayaa keenay in wax kabedel iyo dib u eegis lagu sameeyo hannaanka ay lacagaha ku helaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha waddanku, waxana ugu horrayn la gooyey lacago malaayiin dollar ahayd oo Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku qaadan jirtey Magaca Amniga, taas oo la dhaliilay hannaanka loo isticmaali jirey.
Lacagtaas laga jaray wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxa si weyn uga cadhooday Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, waxana uu dhoof cadho ah ugu dhaqaaqay dalka Imaaraadka carabta.
Wasiir Waran-cadde waxa uu u dhoofay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii uu ka cadhooday kharashkii faraha badnaa ee isaga iyo Taliyaha Boolisk Cabdillaahi Fadal ay ku cuni jireen sugidda nabadgelyada oo ay Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan dhawaan ka joojisay sida la sheegay.
Waxaana markaa ka dib la sheegay in Waran-cadde oo ka xanaaqsan lacagahaas laga joojiyey ayaa ku marmar-sooday in uu Dubai u tagayo arrimo caafimaad isagoo sheegay in indhuhu xanuunayaan.
Tan iyo intii Cabdicasiis Maxamed Samaale laga qaaday xilkii Wasiirka Maaliyadda, ayaa waxa xoog isu dhimay dakhligii u soo xaroon-jiray qasnada dawladda, sida ay qortay Warbaahinta Haatuf, taasoo keentay in Wasiir Samsam ay toddobaadkan gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilawdo olole cashuur ururin ah, inkastoo qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyaddu ay ololahaasi ku tilmaameen mid caaddifadaysan oo aan ku jihaysteen wax ka qabashada asbaabihii dhabta ahaa ee keenay in dakhligu hoos u dhaco.
Siday Masuuliyiintaasi Haatuf uga xog-warrameen, Wasiirka Maaliyadda ee cusub Samsam Cabdi Aadan, ayaa muddadii ay xilka haysay ay Wasaardada Maaliyadda ku timid kala-daadasho badan iyo mooraal-xumo shaqaalaha dhexdooda ah, taasoo ay masuuliyiintaasi ku food-saareen dhaqammo isugu jira maamul-xumo iyo is-kooxaysi oo ay Wasiir Samsam kula soo dhex-dhacday Wasaaradda, taasoo saamayn ku yeelatay hab-sami u socodkii shaqada, isla markaana khalkhal ku riday nidaamkii maaliyadeed ee soo dhisnaa.
Inkasta oo ay masuuliyiintaasi Wasiir Samsam ku ammaaneen joojinta kharashka dheeraadka ah ee faraha badan ee ku bixi jiray arrimaha nabadgelyada, haddana waxay tilmaameen in tallaabadani aanay xal u noqon-doonin dakhliga dawladda ee is-dhimay, balse si loo furdaamiyo mushkiladdan soo waajahday Wasaaradda loo baahan yahay in Wasiir Samsam iyadu isku-noqoto oo haddii aanay nidaamkii maaliyadeed ee Wasaaradda u dhisnaa wax cusub oo waxtar leh kusoo kordhinayn ay bal qarda-jeexa uun ka ilaaliso.
Xigasho Haatuf.net.
SDN/QJ