Wasiir-u-dawlihii Nabadeynta Bariga Somaliland Oo Isu Dhiibay Kooxda Khaatumo
Widhwidh:July,26,2014(SDN/QJ)-Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha Bariga Somaliland Keyse Cabdi Yuusuf, ayaa mar kale dib ugu noqday Fallaagadii uu hore uga soo goostay ee Khaatumo.
Wasiir Keyse oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa Magaalada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle, ayaa maalintii shalay u ambabaxay Deegaanada Miyiga Tuulada Saaxdheer ee Bariga Gobolka Sool, waxana uu sheegay inuu ka mid yahay Fallaagada Khaatumo oo Deeganadaas isku urursanaysa.
Keyse oo ay la socdaan Xubno Odoyaal ah oo deegaanadaas ka soo jeeda, ayaa u galay Kooxo dibaw-wareeg ah oo Miyiga ku dhuumaalaysanayey, ayaa isagoo la Hadlayey Warbaahinta taageersan Kooxdaas sheegay inuu ka tirsan kooxdaas, isla-markaana aanu marnaba ka bixin Khoodaas, “Anigu markii horeba Hargeysa waxan u tegay Ceelalyo Nabadeed iyo Gogoshii nabadeed ee ay sheegi jireen, anigoo Hargeysa jooga ayaan odhan jirey Waxan Taageersanahay Khaatumo. Imikana Wixii ay sheegayaan markii aan arkay inaanay soconaynin ayaa Dib uga soo noqday.” Ayuu yidhi Keyse Cabdi Yuusuf.
Wasiir-u-dawlihii hore ee Arrimaha Bariga Somaliland Keyse Cabdi Yuusuf ayaa Cadho kaga Baxay Hargeysa Sanadkii hore, waxana ay Wasirka Madaxtooyada isku af garan waayeen Hannaanka Loo wadayo Nabadaynta Gobollada Bariga, waxana uu ku dhawaaqay inaanu waxba u arkin Xilka uu madaxweyne Siilaanyo hore ugu magacaabay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com