|

WASIIR SHUCAYB BALAAYO MAAHEE, BASHIIR TUKAALE AYAA BALAAYO AH

Marka hore waxaan aad u salaamayaa dhamaan bah waynta saxaafada S/land gaar ahaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada  qurbejoog.com.

Sidaynu wada ogsoonahay dawlada uu madaxwaynaha ka yahay                     Axmed Maxamed Maxamuud silaanyo waa dawladii ugu wax qabadka badnayd ee  soo marta dalka waxaana hubaal ah inay doorashada soo socota ku guulaysan doonto (INSHA- ALLAH)

Wasiir Shucaybna intii uu Maayirka ahaa waa maayirkii ugu wax qabadka badnaa ee soo mara gobolka Gabiley  ilaa wakhtigii la soo noqoshada xornimada Jmahuuriyada S/land taariikhduna way xusi doontaa.

Waxaan ka raali galinayaa bulshada reer Gabiley af-xumadii ka soo yeedhay xildhibaan Bashiir Tukaale arintan oo  dadwaynaha gobalka ku dhaqan ku noqotay yaab iyo amakaag, anfariir iyo u qaadan waa.

hadaba anigu shaqsi ahaan waxaan is waydiiyey dhawr su’aalood oo kala ah

1)    Xildhibaanka maxaa ku kalifay cayda iyo af-xumada intaa leeg?

2)    Ma afkaa ka xaday oo ismuu ogayn?

3)     Ma marxalad aan caadi ahayn ayuu ku sugnaa?

4)    Ma cayda ayuu takhasus u haystaa?

Taasi  waxaynu odhan karnaa waa laba arimood midkood inuu dan gaara  lahaa oo loo fulin waayey ama  inuu yahay qayru-masuul maan-gaab ah oo aan waxtarka iyo wax yeelada kala saari Karin.

Waxaan maqaalkaygan ku soo gunaanadayaa Somalidu waxay ku maah maahdaa (Dameertu geela  ha-didisee qururuftay kaga dartay)

Waxaan leeyahay Bashiir Tukaale oo ka tirsan golaha wakiilada S/land, gobolka Gabiley waxba  u maad tarin kaamana muuqato inaad wax tari doontid ee waxyeelada iyo af-lagaadada uun ka daa gobolka, caydana balaayo ayaad  ku qabtaaye xishoo masuul saraad tahee.

Laga bilaabo maantana waxay bulshada reer Somaliland kuu aqoonsan doontaa gudoomiyaha gudida cayda iyo ceebaynta dadka.

Wasiir Shucaybna  waxaan leeyahay waxaad tahay nin dadkiisa iyo dalkiisaba wax u taray ee halkaa kaga sii hay.

 

Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa Maayrika cusub ee Gobolka Gabiley Mr: Amiin Cumer dheere  waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu xilkaa culus ee loo igmaday kugu asturo.  (Amiiin)

 

Qore: AXMED MAXAMED XASSAN DHEEREEYE

TEL: 4234414

Dheereeye123@gmail.com

 

 

 

Comments are closed