|

Wasiir Samaale Oo Isku Shaandhayn Ballaadhan ku Sameeyey Saraakiishiisa Kastamada, Qaar uu Malafsi uga Taag waayeyna Karkaarka Weydaariyey

Hargeysa:05-Dec-2013 (SDN)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa  Isku beddel ballaadhan ku sameeyey saraakiisha sare ee kastamada waddanka.

samoWasiirka ayaa  isku beddelkan iyo magacaabistan cusub ee uu ku sameeyey Sarkaakiishiisa kastamada dalka kala jooga ku soo saaray Wareegto, iyadoo u jeedaddu tahay dardargelinta hawlaha dakhli ururineed ee waddanka.

Sidoo kale waxa ay wareegtadani si gaar ah u taabanaysaa Kastamada ugu waaweyn waddanka ee dakhliga ugu badani ka soo xaroodo, kuwaas oo kala  ah, Caasha-caddo, Laascaanood, Boorama, Saylac, Kala-baydh Ceerigaabo  Burco iyo Beer.

Wareegtada sidoo kale waxa ku xusan in qaar ka mid saraakiil hore u u maamuli jirey qaar ka mid kastamada waddanka xilalkii ay hayeen laga qaaday, halka qaar cusubi meeshoodii soo Buuxiyeen.

Maamulayaashii Burco, Kala-baydh, Balligubadle, Ceerigaabo iyo Laascanood ayaa xilalkii laga qaaday iyadoo masuuliyiin cusub la keenay.

 

Maamulayaasha degmooyinka iyo magaalooyinka kale ee wareegtadani saamaysay ayaa lagu sameeyey isku beddel ballaadhan iyagoo intooda badan loo beddelay kastamo cusub oo aanay hore uga soo shaqaynin.

Wareegtadan ayuu wasiirku ku sheegay inuu uga dan leeyahay inuu ku dardargeliyo hawlaha dakhliga waddanka kor loogu qaadayo, maadaama haatan lagu jiro sannadka gebogebadiisii oo loo baahan yahay in cashuuro  badan la so xareeyo.

 

 S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed