|

Wasiir reer Israel ah oo yiri Nuclear ha lagu dhufto Gaza

Tel-aviv November 05, 2023 (QJ) -Wasiirka dhaqanka ee Israa’iil, Amichai Eliyahu, ayaa maanta oo Axad ah sheegay in “Mid ka mid ah tilaabooyinka Israa’iil ee dagaalka Qasa uu yahay isticmaalka hubka nukliyeerka.”

Wasiirka oo ka tirsan garabka midig ayaa wareysi uu siiyay idaacada ku sheegay in adeegsiga hubka nukliyeerka uu ahaado mid ka mid ah qorsheyaasha dagaalka.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku gacan seyray hadalka Eliyahu, isagoo sheegay in ciidamada Israa’iil ay u hoggaansamayaan shuruucda caalamiga ah.

Wasiirka difaaca Israa’iil Youf Galant ayaa sidoo kale diiday hadalka Eliihuu, isagoo sheegay in soo jeedintu macquul aheyn. Waxa uu ku sheegay hadal uu soo dhigay Twitter-ka, “Waxay u wanaagsan tahay kuwa aan mas’uul ka ahayn ammaanka Israa’iil in aanay ku hadlin magaca ammaanka Israa’iil. Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid, ayaa ku baaqay in xilka laga xayuubiyo wasiirka, isagoo ku sifeeyay hadalkiisa mid ka fiirsi la’aan iyo mas’uuliyad darro ah.

Lapid waxa kale oo uu qoray in hadalka Eliyahu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo aan ku habboonayn wasiir dawladeed.

Comments are closed