|

Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka Xidhiidh furtay Geeddigii Xukuumadda Siilaanyo, Duufaanno Siyaasadeed oo Lagu Kiciyey, Iyo Talo uu Halleeyey oo Uu Haatan Daba-Guclaynayo

maxamed cabdilaahiHargeysa:13-Aug-2013 (SDN)Wasiirka wasaaradda Ganacsida iyo Maal-gashiga caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa haatan u muuqda mid cidla dhexe heehaabaya oo  ka hadhay hayaanka xukuumadda axmed siilaanyo, iyadoo uu kali socod noqday  tan iyb markii lagu xayuubiyey xilkii uu isa siiyey ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wasiir Maxamed oo  maalintii shalay booasho ku tegey  Magaalada uu ka soo jeedo ee Gabiley ayaa ay masuuliyiinta Gobolkaasi ka xidheen xarumihii Dawladda oo uu rabay inuu kulamo kula qaato  odayaal dhaqameed iyo Qurbe-joog Gobolkaas ka soo jeeda ay ballamo lahaayeen oo uu magaalada ugu tegey.

 

Wasiirka oo colaad siyaasadeed ka dhex aloosan tay isaga iyo Siyaasiyiinta reer Gabiley ee Xukuumadda ku jira, ayaa loo arkaa mid ka sii baxaya albaabka dambe ee xukuumadda siilaanyo oo mar ahaan jirey ragga ugu mudan ee talada gooya.

Masuuliyiinta Gobolkaas ee Hoolalka Dawladda la sheegay inay xidheen, ayaa ku andacooday inaanay ka sii warhaynin waxa uu wasiirku  meesha ku qabsanayo, iyagoo qaar kalena sheegay inaanay fursad u hayn oo ay shaqooyin ku maqan yihiin.

sidoo kale dad shacab ah oo ku sugnaa barxadda hore ee hoolka Dawladda ee laga xidhay ayaa wasiirka ku qayliyey iyagoo sheegaya inaanu ahayn shakhsi ku xidhan Gobolkiisa oo doorbida magaalooyinka kale, taas oo wasiirka ku abuurtay calool-yow kale iyo niyad-jab.

Dhacdooyinka kale ee muujinaya in dabayshu sidato isla markaana cadaynaya inaanu Wasiir Maxamed C/laahi ku sii negaan doonin labada sano ee hadhay golaha Xukuumadda wax aka mid ah dhacdo in hoosta uu ka xariiqo u baahan, taasoo ah ka wareejintii laga wareejiyay dhaqaalaha ka soo baxa Haamaha Shiidaalka Berbera oo ahayd Isha kali ah ee ay jaf jafan jireen masuuliyiinta Wasaaradda Gaanacsigu.

Dhaqaalaha Haamaha Shiidaalka oo sadexdii sano ee u danbeeyay mari jiray Wasaaradda Ganacsiga isla markaana laga maamuli jiray Madaxtooyadda ayaa  Madaxweyne Siilaanyo Digreeto ku soo saaray in lagu shubo Qasnada Dawladda, halka culayskii Maamul lagu reebay wasiir maxamed C/laahi.

 

Wasiir Maxamed cabdilaahi oo ah nin fiiro dheer oo garan kara meesha laga qaniinsan yahay, ayaa laga yaabaa inuu wixii hadda ka dambeeya is-xulafaysi siyaasadeed la yeesho Guddoomiye Muuse Biixi oo xukuumadda dibad-joog ka ah, sidoo kale waxa uu Wasiirku saaxiib dhaw la yahay Guddoomiye Faysal cali waraabe oo aanay xukuumadda isku fiicnayn.

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Mawliidguure@yahoo.com

Hargeysa/somaliland

 

Comments are closed