|

Wasiir Maqaar Saar u ah Kooxda Khaatumo oo ka Hadlay Abaar baahsan oo ka Jirta Deegaamadooda

Saax dheer 21.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Khaatumo, Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa sheegay in abaar darani ay ku dhufatay gabi ahyaanba deegaannada maamulka.

Kayse Cabdi YuusufWasiirka ayaa tilmaamay in xaalad bani aadannimo ay ka dhalan karto abaarta oo saamaysay dadka iyo xoolaha, kuwaas oo haddii aysan helin gargaar deg deg ah ay dhici karto in ay u le’daan oon iyo gaajo.

Keyse Cabdi Yuusuf ayaa xusay in abaartu ay barakicisay dad ku xoolo belay, kuwaas oo miciin biday magaalooyin ka tirsam maamulka Khaatumo.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Khaatumo, Keyse Cabdi Yuusuf ayaa ka codsaday dowladda dhexe ee Soomaaliya, hay’adaha samafalka, beesha caalamka iyo Soomaalidaba gargaar deg deg ah oo la gaarsiiyo dadka ku dhibaataysan deegaannada maamulka Khaatumo.

Kayse Cabdi Yuusuf oo uu dhawaan Xilkan u Magacaabay Madaxweynaha Kooxda Khaatumo Prof Galaydh isla markaana aanay Jirin Deegaan ay Si rasmi ah u Xukumaan oo Weli ku dhuumalaysanaya Xuduuda ay Wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ayaa hore u ahaa Wasiirul dawlaha Nabadaynta iyo Horumarka Gobolada bari ee Somaliland.

Saax dheer SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed