|

Wasiir Maamulka Puntland Katirsan Oo Somaliland Ku Eedeeyey Hurinta Dagaal-beeleedyo Dhawaanahan Ka Dhacayey Gobolka Sool

Garowe:Sep,16,2015(SDN/QJ)-Wasiir Cabdi Xrisi Cali Qarjab oo Wasaaradda Amniga u qaabilsan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed , ayaa dagaal-beeleedyo dhawaanahan ka dhacayey Goobo ku yaalla Gobolka Sool Ku Eeedeye Somaliland.

qarjabMudane Qarjab, waxa uu sheegay in siyaasiyiin iyo madax ka soo jeeda maamulka Somaliland ay lug kula jiraan dagaalada todobaadyo ka hor ka dhacay deegamada Salaxley, Magacley iyo kuwo kale oo xadka Itoobiya ku yaala sababna u yihiin dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay.

Wasiirku dhanka Puntland ayuu sheegay in dadaal badan u gashay sidii loo joojin lahaa colaadaas nabadna loo dhex dhigi lahaa isagoo xusay in ay gaadhsiisay in Qunsulka dalka Itoobiye ee Puntland kala hadleen sidii xal loogu heli lahaa dagaalada Xuduuda ka dhacaya ee beelaha u dhaxeeya.

Somaliland ayuu sheegay in uu uga digay sida uu sheegay in ay carqaladeeyaan nabada ay kuwada nool yihiin dadkan deegaamadaas wada dega, Taalabada ay qaadi doonaan haddii fara gelinta sii socoto ayuu ku sheegay in ciidamo ka socda Puntland xadkaas la geyn doono.

Deegaamo dhowr ah oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaali Itoobiya xuduudna la leh Puntland ayaa todobaadyo ka hor waxaa ka dhacay dagaalo beeleedyo ilaa hada xalintiisa lagu guda jiro.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed