|

Wasiir Maamulka K/Galbeed Somalia Katirsan Oo Gacantiisa Ku Dilay Askari Ciidamada Dawladda Katirsanaa

Buur xakaba:Sep,24,2015(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya degmada Buurxakaba ee Gobolka Bay, ayaa sheegaya in Wasiirka Waxbarashada Maamulka Koonfur Galbeed, Saadaad Maxamed Nuur (Caliyow) uu habeenkii xalay madaxa ka toogtay Askari katirsanaa Ciidamada Dawladda Federal-ka Somalia oo muran koobani dhexmaray.

Saadaad-CaliyowAskariga la dilay, ayaa ka tirsanaa askar isbaaro soo dhigatay Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Baay. Wasiirka oo watay laba gaari oo kuwa dagaalka ah, ayaa askartaasi ku amray inay qaadaan jidgooyada, balse ay wada murmayn askariga geeriyooday oo askartaasi horkacaayay. Wasiirka oo gacanta ku watay bistoolad, ayaa rasaas madaxa kaga dhuftay askarigaasi.

Wararka waxay intaa ku darayan in ilaaladii Wasiirka la socotay ay dhameystireen ninka askariga ah, oo halkaasi ku dhintay. Rasaastii ay adeegsadeen Wasiirka iyo ilaaladiisa, ayaa sidoo kale waxaa ku dhimatay haweeney halkaasi ku haysatay goob ganacsi.

Ciidanka Nabad Suggida & Booliska ka hawlgala Degmadaasi, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay dalbadeen in la soo xidho Wasiirka, haddii uu gaystay fal dil ah.

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya in la soo xiray Wasiirka iyo in kale. Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka lagu soo xidhay Saldhiga Booliska Degmada Buurhakaba, iminkana uu ku xidhan yahay.

Sarkaal Madaxtooyada Baydhabo ka tirsan, ayaa warbaahinta u sheegay in dhacdadaasi la soo gaadhsiiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xilli uu ku sugan yahay dalka Sacuudiga.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed