|

“Wasiir Ma Adigaa Bixiyey Amarka Maayarrada Loogu Diiday inay Guddida Musuqmaasuqa Golaha Hortagaan” Xildh. Siciid Cilmi Rooble.

Hargeysa:Sep,09,2014(SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si adag ula Hadlay wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo ka biyo diiday Xeerka Diiwaangelinta Muwaadiniinta Somaliland oo Xukuumaddu Golaha Horkeentay.

siciid cilmiXildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu tilmaamay inaan xaq loogu lahayn Wakiillada in loo sheego in xeerarka Horyaalla la iska muddaysto in xilli cayiman la Bilaabo.

Mudane Siciid Cilmi Rooble waxa uu wasiirka arrimaha Gudaha usoo jeediyey inuu qabsado ci xagga sharciga kala talisa, Maadaama ay  Soo baxeen Arrimo Badan oo uu darjiidhay, “Wasiir Xeerkan aad imika keentay waa kii hore aanu u laalnay kelmad meel ku taalla oo waajibanaysa in dhalasho la qaatana aniga ha iisoo qaadan, waxana muuqata inaad u baahantahay La taliye Sharci, shuruucduna Halkanay kasoo baxdaa, waxana laalay Golahan iyadoo mooshin lagu keenay, adiguse  labada sharci ee  Xukuumaddu keentay mid uun baad hordhac ku samaysay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Siciid Cilmi Rooble, waxa uu wasiirka u soo jeediyey inuu diyaariyo Barnaamij cad oo lagulla dhaqmo dadka deggen deegaanada Bariga, madaama inta badan aanay doorashadu si fiican uga Hirgelin, waxana uu isagoo  arrimahaas ka Hadlay uu yidhi,

“Dadkeenii gobollada Buuhoodle, Sool iyo Sanaag-bare  tabashaa ka jirta, doorasho kastana way ka hadhaan, maalin walbana weerar baa lagu qaadaa oo waa laga soo baxaaa, dalkana adigaa u wasiirkii arrimaha Gudaha ahe waxa loo Baahan yahay in barnaamij cad oo qaramaysan oo aynu gobolladeenaas ku hano ayaa lagaaga Baahan yahay.”

Mudane Siciid Cilmi Roobe, waxa uu wasiirka arrimaha Gudaha su’aalay inuu isagu Bixiyey Amar dhawaan xukuumaddu isku hortaagtay Dhaqaaq kasoo baxay Guddida Musuqmaasuqa Golaha wakiillada oo ay maayaradda wax kaga weydiinayeen Hawlalaha Shaqo ee ay qaranka u hayaan,

“Annagaa dabagalka xukuumadda iyo Dawladda dhexe haddii ay dhaqaale tahay iyo Haddii ay xil tahayba waa waajibkayaga, Halkanna Maayarraa loogu yeedhay Guddida Musuqmaasuqu waxay Halkan ugu yeedhay Maayarradii amarka Maayarrada loogu sheegay inaanay Guddidadaas U Tegin wasiir Ma Adigaa Bixiyey.” Ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi.

Su’aasha jawaabtaasna waxa si fudud u bixiyey Wasiirka arrimaha Gudaha oo sheegay inuu isagu Bixiyey, isagoo ku andacooday inuu xaq u leeyahay joojinta Dalabkaas ka yimi  Golaha, kuna Adkaystay in isaga loosoo maro arrimahan oo kale.

Xildhibaan Ibraahim Cali Rayte oo isagu kamid ah  golaha wakiillada shuruucdana si weyn u yaqaanna, ayaa halkaas ka hadlay, isagoo wasiirka hortiisa ka sheegay in xaq loogu leeyahay Haddii loo baahdo in iyadoo aan wasiirka waxba la weydiin loo yeedhi karo qofkasta oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaraddiisa, waxana uu garwaaqsaday warancadde qoddobo sharci oo uu  Xildhibaan Rayte halkaas ka akhriyey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed