|

Wasiir Ku-xigeeno Isku Beel ah oo Ku Dhawaaqay In Xukuumaddu Wareejisay Haamaha Shidaalka

Hargeysa, 20 Sep 2015 (SDN/QJ)-Cali Maxamed Cilmi wasiir ku-xigeenka Xannaanadda Xoolaha Somaliland oo uu weheliyo ku-xigeenka Warshaduhu Cali Maxamed Axmed, ayaa sheegay inuu dhacay heshiiskii u dhexeeyay xukuumadda iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee wareejinta haamaha shiidaalka ee magaaladda Berbera. Isla markaana waxay hoosta ka xariiqeen awood ay xukuumadu u leedahay wareejinta haamaha shidaalka.

 

Wasiiradani waxay sidaa ku sheegeen shirjaraaid oo ay ku qabteen magaaladda hargeysa, waxayna sheegay in ciddii xukuumadda ka soo horjeesta la xidhi doono.

 

Ugu horeyna wasiir ku-xigeenka warshadaha oo shirka jaraaid ka hadlay ayaa yidhi “Anigu waxaan idhi cidii xuquuqda dawladu xaqa u leedahay ka hortimaada ee la fulinayo talaaba laga qaadaya. Qofkii ka horyimaada nidaamka dawladda ee lagu wareejinayo haamaha talaaba laga qaadayaa, oo talaabadda ku haboon-baa laga qaadaya,  heshiisku wuu dhacay, wuuna soconayaa haamahana waa la wareejinaya si waafaqsan shuruuda iyo nidaamka dalka. Heshiiska la galay marka aad aragto cidna wax buu siinaya, haddii aanu anigu heshiiska aanu galay ilaalin wayno, waxaan loo yaqaano nidaamka ama seefka inta dalka u ahaanaysa nidaamka ee ku cad heshiiska, dawladda cidbaa u joogaysa  la yidhaahdo (wakiilka dawladda), Wakiilka dawladu wuxuu ilaalin doonnaa nidaamka ee ku jihaysan dalka had iyo jeer oolaya, wuxuu ilaalin doona tayadda shiidaalka dalka soo galaya oo wax  walba waa laga fikiray. Heshiiska marka aad aragtaan ee aad daldaloolo ku aragtaan oo aad ku aragtaan masuuliyad darro aanu ilaalin waynay ayaa su’aasha na waydiin kartaan.”ayuu yidhi Wasiir ku xigeenku

 

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka xanaanadda Xooluhu Cali Maxamed Cilmi wuxuu sheegay in wareejinta haamaha shidaalku bulshaddu arki doonta faaidadooda, isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Maxamed X. Ibraahim Cigaal markii uu arkay haamaha shidaalka berbera dayacnaanta ka muuqata, wuxuu door biday inuu Total ku wareejiyo, baarlamaanka Maxamed Xaaji Ibraahi Cigaal way isgaleen, waxay gaadhay inay yidhaahdan Total lagama kirayn karo oo waliba mooshin ku keeneen, shaqadda dalkan waa la kala leeyahay, xeer dejinta iyo baarlamaanku nidaam bay leedahay. Dawladu haddii ay shirkaddo gaar ah ku wareejisay haamihii shiidaalka way ka fiicnaan doonaan sidii ay horre u ahayeen, oo si rasmi ah ayaa xukuumadu u wareejisay haamaha, markaa waxaan bulshadda leeyahay amniga ilaaliya.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed