Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL“Madaxweynuhu Waddada Ceerigaabo Wuxuu Ku Fikirayey Iyadoon Somaliland Aasaasnayn” DAAWO
Hargaysa 25.October 2016 (SDN/QJ):- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa difaacay Habsami u socodka dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Burco.
Wasiir kuu-xigeenka oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay Jidka u dhexeeya Burco iyo Ceerigaabo uu ku dhow yahay dhammaad isla-markaana 120KM oo ka mid ah laga dhigay Laami uu saaran yahay Daamurku, halka 30KM oo keliyana ay ka hadhsan tahay in la is gaadhsiiyo Carro-tuulka.
“Waddada Ceerigaabo waxa Sannadkii 2013-kii dhagax-dhigay Madaxweyne Siilaanyo oo ku dhiiraday, Dhismaheediina wuu bilaabay, Madaxweynuhu Waddada Ceerigaabo wuxuu ku fikirayey iyadoon Somaliland aasaasnayn, oo Toddobaatanaadkii bay Hammigiisa ku jirtay in Burco iyo Ceerigaabo isku xidhmaan oo ay Waddo helaan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Imika Waddadu waxay Qarka u saaran tahay dhammaad oo waxa ka hadhay in Carra-tuulku is-gaadho, 120KM waxa saaran Daamurkii Madowga ah ee Laamiga, waxaana Waddada dhaqaajiyey Wasiirka Hawlaha Guud oo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku hoos-tagto, waanu muujiyey Siyaasaddii Madaxweynaha ee ahayd in Waddadaasi dhisanto, waan ku bogaadinayaa Cali Mareexaan”
Wasiir ku-xigeenka oo dhawaan ka soo laabtay Degmada Ceel-Af-weyn oo isaga iyo Xubno kale oo Xukuumadda ka tirsani u joogeen Xallinta shaqaaqadii Labada beelood ee Walaalaha ah, ayaa ka deyriyey Xaalad Abaareed oo ka taagan Deegaanno ka mid ah Gobolka Sanaag, waxaanu sheegay in Dadka iyo Xoolaha Dhulkaa ku dhaqani u baahan yihiin in loo gurmado.