Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Oo Qado-sharaf u sameeyay Arday wax ka barta Malaysia
Hargaysa 03.Sep 2013 (SDN)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa maanta Munaasibad qado sharaf ah u samaayey Gudoomiyaha Ardayda reer Somaliland ee wax ka barata wadanka Maleesiya iyo Wiil dhalinyaro ah oo Baalashle nimo kaga shaqaynsta Jaamacada Camuud ee Booramaha hadana leh Laba baabuur.
Qado sharaftani oo maanta ka qabsoontay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Saciid Raygal, Masuuliyiin kale iyo Xubno ka tirsan Guddida ardayda reer Somaliland ee wax ka barata wadanka Maleesiya.
Munaaasibadaasi ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Gudida Ardayada Reer Somaliland ee Maleesiya Shaafici Axmed Cali oo u Mahad celiyey Wasiir ku xigeenka warfaafinta, waxana hadladiisii ka mid ahaa “ waxaan u mahad celinayaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaaadir oo maanta Madashan inagu casuumay, arintani aynu maanta halkan isugu nimid waa laba Munaasabadood oo is barkan, waxana ay xidhiidh la leedhay ka dib markii aanu habeenkii xalay Hargeysa ku soo ban-dhignay barnaamij ku saabsan wacyi galinta tahriibka oo aanu samaynay hadii aanu nahay ardayda reer Somaliland ee Maleesiya wax ka barata, waxa barnaamijkaasi aanu ku soo bandhiganay Munaadin reer Reer Somaliland ah sidoo kale dhalinyaro ah oo shaqada Baalashka ka bilaabay Jaamacada Camuud ee Boorama, markii dambena ka iibsaday Baalashkaasi Gaadhi Noha ah oo hada u shaqeeya, waliba sii wata shaqadiisii baalashka.”
“Arrintaasi ayey ka dhalatay in Wasiirku uu yidhi Wiilkaasi dhalinyarada ah ee dalkiisa aaminay iyo ardayda reer Maleesiyada ee inala joogtaba waan casuumayaa, Wasiirka si weyn ayaanu ugu mahad celinaynaa, tani waa Dhaalin galin weyn oo madaxdaya ay noo samaysa, waxana ay muujisanyaa in madaxdaya ay mar walba diyaar noo tahay.” Ayuu yidhi Shaafici Axmed.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey ardayda Dibaha wax ka barata iyo Wiilka Reer Boorama ee Gacansiga ka abuuray Baalashka waxana uu yidhi “ Masuuliyiinta Qaranka ee inala joogta, Ardaya Maleesiya wax ka baratay ee halkan Caasimada iyo dalkaba ku soo noqotay, Badri oo ah wiil dhalinyaro ah oo Baalashle nimo shaqo ka bilaabay markii dambe Ganacsi abuuray aynaanu maanta halkan wada joognaa, Ardaya waxaanu leeenahay ku soo dhawaada dalkiina Hooyo, waxana aanu idinku dhiiri galinaynaa inaad waxbarashadiina wadatnaan, waxaad u maqan tihiin dalkiina iyo dadkiina.”
“Casuumadu waxyaabaha ay daaranayd waxa ugu muhiimsan in Masuuliyiinta Dawladdu ay ardada dibanaha wax ka barata marka ay yimaadaan dalka ay soo dhaweeyaan, taasina waxa idiin noqonaysaa dheeri galin, waxaanay xoojinaysaa isku xidhnaanshaha Dawladda iyo Ardayda, waxana aan idinku Boorinayaa in marka aad waxbarashada soo dhamaysataan aad dalkiina ku soo Laabataan si Aqoonta aad soo barateen aad wax ugu qabataan.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sidoo kale ka hadlay Dadaalka ay Xukuumadda Somaliland ugu jirto ka hor taga dhibaatada Tahriibka waxana uu yidhi “ maanta waynu og-nahay oo dhalinyaradii Tahriib ayaa lagu qaatay, waynu ognahay sida dalkeena looga baxayo ee loo Tariibayo, Xukuumad ahaana Dadaal badan ayaaa loogu jiraa sidii arintaasi Tahriibka dhalinyarada looga baajin lahaa, Madaxweynuhuna Guddi heer Qaran ah oo arintaasi wax ka qabata ayuu samaayey, shaqo abuur Dhawr kun oo qof ah ayaa la sameeyey, Wiilkan Badri waxyaabaha aanu sida gaarka ah ugu xusayno waxa ka mida in maadaama uu shaqo abuuray la dhiiri galiyo, si ay Dhiiri galin ugu noqoto dhalinyaro badan oo hakuu isagu joogay wali jooga oo Baalash-layaasha ah.” Ayuu yidhi Md. Cabdiwaaxid.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com