|

Wasiir ku Xigeenka Cusub Ee Maal-gashiga Iyo Maayar-ku-xigeenka Caasimadda Oo Lagu Soo Dhaweeyey Hargeysa

Hargeysa,8Nov,2015(QJ/SDN)- Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ambassador Kaysar  Maxamed Cabdilaahi oo uu wehelinayay Maayir Kuxigeenka Caasimada Somaliland Cabdicasiis Caga-weyne ayaa shalay  si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, kadib markii ay ka soo kicitimeen dalka Ingiriiska.

Waxa Madaarka ku soo dhaweeyey Suldaan Cawil Maxamed (Fiiqle), Suldaan Axmed Cismaan,Guddoomiyaha Waaxaha Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe  Cumar Taraydh,Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Magaalada Berbera Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf, Guddoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska Xasan Dhuxul Laabsaalax, Fanaaniinta kala ah Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-Geenyo),Cabdiraxmaan-Oday,Muusigistaha Weyn Axmed Weli Ibraahim Furinle,Xoghayaha Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimada Caasimada Hargeysa, Dhalinyaro,Aqoonyahan, Ganacsato, iyo marti-sharaf kale oo tiro baddan.kaysar-iyo-agaasimaha

Guddoomiyaha Fanaaniinta Xidigaha GEES-ka Abwaan Xasan Laab-saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Masuuliyinta maanta madaarka Hargeysa lagu soo dhaweynayo oo uu ugu horeeyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ambsaddor Kaysar Cabdilaahi, iyo maayir kuxigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Caga-weyne, waxaanu leenahay dalkiina ku soo dhaawada”.

Abwaan Laab-saalax oo ka hadlayay Wasiirka Kuxigeenka cusub ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ambassador Kaysar Cabdilaahi waa nin Karti baddan, wuu ka soo bixi karaa xilka uu Madaxweynuhu u igmaday, Anigu xilka kuguma hambalyaynayo ee waan kula dardaarmayaa,waanan ku duceynayaa, waxaanan filayaa in halkan iyo meel ka sareysaba garashadaadacilmigaaga iyo caqligaaga-ba ay ku haboon tahay.Waxaan ku leeyahay hambalyo hambalyo,”

“Waxaan kugu soo dhaweynayaa Hargeysa, Waxaan kugu soo dhaweynaynaa xilkaaga, waxaan kugu soo dhaweynaynaa dalkaaga iyo dadkaaga.”.Ayuu yidhi Abwaan Laabsaalax.

Mar uu Abwaan Laab-saalax ka hadlayay Maayir Kuxigeenka Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cago-weyne, waxa uu yidhi “Waa Magaaladiisi, waan ku soo dhaweynaynaa, ku soo dhawoow Magaaladaadii”.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ambassador Kaysar Maxamed Cabdilaahi ayaa waxa uu u mahad-celiyay dhamaan dadweynihii kala duwana ee soo dhaweeyey “Waxaan u mahad-naqayaa ILAAHAY oo na nabad-qab keenay,Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa dadweynahan fara baddan ee na soo dhaweeyey ee kala ah Salaadiinta Cuqaasha, dhalinyarada, Abwaanada Fanaaniinta.Waxa kale oo aan halkan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),oo runtii marlabaad kalsooni I siiyay,oo xil-qaran I magacaabay, Waxaan ku talo-jiraa oo aan ILAAHAY ka rajeynayaa inaan sida ugu wanaagsan ee ugu daacadsan uga soo baxo xilkaas haddii ILAAHAY yidhaahdo, kal-soonida uu igu qabo, oo inta awoodayda ah inaan dedaali doono in dadkayga iyo dalkayba wax u qabto”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Dalkeenu waa dal dhisan, waa dal jirido adag ku taagan, dal amaankiisu sugan yahay, dal ay ka jirto xukuumad ka talisa,Madaxweyne waayo-araga, oo dalkana xaalado baddan kala soo dabaashay in baddan,halgan dheerna nala soo galay sidii aynu xorriyadan aynu maanta haysano.Halgankii ay umaddeenu soo gashay guusha  midhihiisi waynu haynaa,Xusuus kooban halkan aynu joogno ee Madaarka Magaalada Hargeysa Weerarkii ugu danbeeyey ee Ururkii SNM soo qaadeen ka mid ayaan ahaa saddex qof ayaa nagaga dhintay maanta waa Al-xamdulilaah oo calankeeni ayaynu hoos hadhsanaynaa, marka insha Alaahu dalkeena waynu dhisi doona, waynu u shaqeyn doonaa, Qalin iyo Qori mid kastaba”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Bulshadeenu waxay leedahay yool inay gaadho,yoolka ay hiigsanayso oo ah inay gaadho dal madax-banaan oo barwaaqeysan, cadaalad ku socda, oo ay duniddu aqoonsan tahay, yoolkeenu waakaa qofkasta oo muwaadina waa inuu ku shaqeeyaa sidii aynu yoolkaasi u gaadhi lahayn.”

Suldaan Cawil Maxamed (Fiiqle) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan dhulkoodii Hooyo ku soo dhaweynayaa Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ambassador Kaysar Cabdilaahi iyo Maayir Kuxigeenkaba Cabdicasiis Cagoweyne, Waxaanan leeyahay Wasiir Kuxigeenka Cusub ILAAHAY xilka ha ku fududeeyo annaguna waanu kula garab taaganahay”.

Suldaan Axmed Cismaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa u yidhi “Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ambassador Kaysar Cabdilaahi Maxamed, iyo Maayir Kuxigeenka Caasimada Hargeysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cabdicasiis-Cagoweyne) waxaan leeyahay ku soo dhawaada Caasimadiini, ku soo dhawaada dalkiini hooyo, waxa kale oo maanta idiin cadaatay oo halgan idinka muuqataa, oo markhaati-ma doonaa xilka aad maanta haysaan iyo mid ka sareaysaba aad u qalantaan iyo madax-dhaqameed ahaabba waan idin soo dhaweynaynaa”.

Comments are closed