|

Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Kalluumaysiga Oo Iska Casilay Xilkii Xalay Madaxweyne Silaanyo U Magacaabay

Hargaysa 04. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiir Ku Xigeenkii Xalay loo magacaabay Wasaaradda Kalluumaysiga Mudane Cabdiqaadir Maxamuud Dhago-wayne, ayaa goor dhawayd sheegay in aanu qaban Karin xilka uu xalay u magacaabay madaxweyne Silaanyo isla markaana uu ka cudurtaay.

cabdiqaadir-maxamuud-dhago-wayneCabdiqaadir Dhagowayne ayaa ku sababeeyay cudurdaarkiisa in aan lagala tashan xilkan loo magacaabay, isla markaana aanu diyaar u ahayn in uu xilkaasi qabto.

Mudane Dhagowayne ayaa xilkan loo magacaabay isagoo dalka ka maqan kuna maqan dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan magaalada Dubia.

Dhinaca kale, iyaguna waxa isa soo taraya wararka sheegaya in masuuliyiin kale oo xalay uu madaxweyne Silaanyo magacaabay ay is casili doonaan.

Waxaa Wasiir Ku Xigeenkan ka Horeeyay oo iyana Sheegay inaanay Diyaar u ahayn Xilalka uu Madaxweyne Siilaanyo Xalay u Magacaabay  Wasiirka cusub ee Wasaarada Dhaqanka iyo Hidaha Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro).

Comments are closed