|

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Oo Xilka U Kala Wareejiyey Laba Isku-Duwe Iyo Khudbad uu Halkaas ka Jeediyey DAAWO

Burco, 28 April, 2016- (SDN/QJ) :– Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil, ayaa xilkii u kala wareejiyey isku duwaha cusub ee ay wasaaraddaasi u magacawday Gobollada Togdheer, Saraar, Daadmadheedh iyo Buuhoodle iyo isku duwihii hore ee wasaaraddaasi Dr Cabdi Yaasiin Xaaji Saleebaan.

DHINBIILMunaasibad ballaadhan oo xil wareejintan loogu qabtay magaalada Burco Shalay, ayaa waxa ka qayb galay, maamulka Gobolka Togdheer, masuuliyiin kale iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ee Gobolka Togdheer.

isku duwihii hore ee wasaaraddaasi Togdheer Dr Cabdi Yaasiin Xaaji Saleebaan oo isagu hore shaqadaasi uga tegay oo ugu horayn halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu ka war bixiyey waxayaabihii uu qabtay intii uu xilka hayey, waxaanuu sheegay in ay jiraan caqabado badan oo dhinaca caafimaadka ah oo gobolkaasi ku gedaaman.

Isku Duwaha Cusub ee wasaaradda Caafimaadka Gobolada Togdheer, Daadmadheed, Saraar iyo Buuhoodle oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi, “Intii aan la shaqaynayey shaqaalaha aad ayaanu isku baranay. Gudidda caafimaadkuna aad ayey u mahadsan yihiin, Cabdi yaasiinna nin aanu aad isku naqaanno weeyaan oo waa ninkii igu tukhaantukhiyey in aan xilkan qabto, dhaqaalaha deegaanku kor ayey u soo kacayaan, cashuurtuna kor ayey u soo kacaysaa” ayaa ka mid ahaa hadaladdiisa isku duwaha cusub ee caafimaadka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil oo ugu dambayn halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi, “Burco waxaan leeyahay waxa tihiin halbawlaha Somaliland oo waa halkii lagaga dhawaaqay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waana meel ku suntan Qaranka waxa la inooga baahan yahay ilaalinta danta guud ee Qaranka, waan la qabaa caqabadaha jira isku duwihii hore ee caafimaadka, waxaanu doonaynaa in ay Wasaaradda caafimaadku noqoto meesha xakamaha u haysa caafimaadka oo waa hawl noo taalla.”

Wasiir ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Waan ku bogaadinayaa isku duwihii hore hawsha uu soo qabtay, wanaan u rajeynayaa wanaag iyo khayr, waxaan soo dhaweynayaa Dr Yuusuf isku duwaha cusub ee wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer oo ah nin takhasus leh, waxaan leeyahay hawl badan ayaa ku sugaysa oo samir badan ayaa lagaaga baahan yahay, waxaan ku leeyahay ku soo dhawow wasaaradda caafimaadka iyo bahda caafimaadka, bahda caafimaadka guud ahaa meel kasta way ku noolyihiin waana udub dhexaadka, qofka caafimaadka ka shaqeeyana waxa saaran masuuliyad ka wayn kuwa kale, waxaan leeyahay waa in aynun noqonaa kuwa dadka baahan dantooda ka shaqaynaya guud ahaan bahda caafimaadka, waan sagootiyayaa isku duwihii hore ka cusubna waan soo dhaweynayaa” ayuu yidhi Wasiir Xasan Daahir Dhimbiil.

Comments are closed