|

Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka oo ka Hadashay Kulan lagu Midaynayo Cududa Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka

Hargaysa 25.Dec 2013 (SDN)- Wasiir ku-xigeenka Wasaarada  Caafimaadka Marwo  Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa maanta uga furtay  magaalada Hargaysa  xubno ka mid ah    Masuuliyiinta iyo Howl-wadeenada wasaarada Caafimaadka   kulan hawleed  lagu falanqaynayo  Sidii loo midayn lahaa Cududa shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiir-ku-xigeenka-CaafimaadkaWasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka  Marwo Nimco Xuseen Qawdhan  oo furitaankii kulankaasi  ka hadashay   ayaa sheegtay kulankan oo qaadanaya middo labo maalmood ah lagu gorfaynayo  sidii loo meel marin lahaa  hanaanka midaynta Cududa shaqaalaha  Wasaaradda caafimaadka  laga Bilaabo masuuliyinta u saraysa  ilaa shaqaale hoosaadka .

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, waxa  ay tilmaamtay In  tababarkani  Xanbaarsanyahay macluumaad  fududay-naya sidii loo meel marin lahaa, loona hir-gelin lahaa hanaanka midaynta hawlgalka  Cududa shaqaalaha  Caafimaadka. Barnaamijkaas oo ay sheegtay in si ficil ah loo hirgalin doono isla markaasna fulintiisa dabagal lagu samayn doono.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Isuduwaha Gobolka Maroodi jeex ee wasaaradda caafimaadka, iyo Agaasimaha waaxda Tababarada  Wasaaradda caafimaadka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed